Home Dhacdooyin Israel oo uga sii dartay xaaladda dadka ku nool waqooyiga Gaza (Nolol iyo geeri)

Israel oo uga sii dartay xaaladda dadka ku nool waqooyiga Gaza (Nolol iyo geeri)

by Laacib

Gaajo daran ayaa laga soo sheegaya waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo dadka rayidka ah ee halkaasi ku harsan ay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Xaalad gaar oo quus ah ayaa laga soo sheegaya in ay ka jirto waqooyiga Gaza, halkaas gebi ahaanba gargaarkii laga jaray daba-yaaqadii bishii October, inkastoo mararka qaarkood si dhib badan lagu gayn jiray sahayda raashiinka, biyaha iyo dawada.

Wiil yar oo laba bilood jiray ayaa Jimchii gaajo ugu geeriyooday waqooyiga Gaza. Wakaaladda Wararka Shehab ayaa ku warantay in Mahmoud Fattouh uu ku geeriyooday Isbitaalka Al-Shifa, wax yar uun ka dib, markii hooyadii oo ooyneysa ay keentay isbitaalkaasi.

Dhakhaatiirta isbitaalkaasi ayaa sheegay in wiilka yar uu u geeriyooday nafaqo darro aad u daran.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay gaadiidka gargaarka ku weerarayaan waddooyinka loo cayimay inay adeegsadaan.

Ciidamada Israel ee ku sugan bartamaha Gaza ayaa is hortaag ku sameynaya baabuurta kaalmada bani’aadantinimo gaysaneysa waqooyiga Gaza.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in lagu khasbay inay joojiso howlihii naf badbaadinta ee waqooyiga Gaza.

Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Thomas White ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay burbur u gaysteen gaadiid sugayay inay gargaar geeyaan waqooyiga Gaza.

Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa Axaddii shalay sheegay in markii ugu dambeysay oo cunto la geeyo waqooyiga Gaza ay ahayd 23-kii bishii hore ee January.

Philippe Lazzarini oo ka digay macluul galaafan karta nolosha dad fara-badan oo rayid ah ayaa codsaday gargaar bani’aadantinimo oo joogto ah.

“Macluusha waa laga hortagi karaa, haddii kolonyo cunto ah loo ogolaado inay si joogto ah u taggaan waqooyiga Gaza.” Ayuu yiri Lazzarini.

Lazzarini ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Baaqyadeenii ahaa in aan soo dirno raashin gargaar ah waa la diiday oo dhegaha ayaa laga fureystay.”

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in duulaanka Israel ee gacanta adag ku dhisan uu halis dhab ah ku yahay nolosha 2.3 milyan oo qof oo ku nool Marinka Gaza, kuwaa oo qarka u saaran macluul.

Weerarada cadowtinimada ah Israel ee ka sii socda Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 29,606 qof, halka 69,737 kalena ay ku dhaawacmeen, tan iyo 7-dii October, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Dunida ayaa la eegaya waxa maalmaha soo socda ay ka qaban doonto xaaladda waqooyiga Gaza, taas oo go’aamin doonta in macluul ay ka dilaacdo dhulka go’doonsan iyo in laga hortago, oo si degdeg ah wax looga qabto masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta jiidda waqooyi ee Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc