Home Wararka Caalamka Israel oo ugu dambayn ogolaatay in shidaalka la geeyo Gaza

Israel oo ugu dambayn ogolaatay in shidaalka la geeyo Gaza

by Laacib

Wakaaladda Wararka AP ayaa sheegtay in Maamulka Israel uu ogolaaday in shidaalka la geeyo Marinka Gaza, xilli ay ka sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

AP oo soo xiganeysa Saraakiil ka tirsan Wasaaaradda Difaaca Israel ayaa sheegtay in tani lagaga jawaabayo codsi kaga yimid Dowladda Mareykanka.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa iyana sheegtay in Israel ay aqbashay in Gaza la geeyo 24,000 oo litir oo shidaal ah, isla-markaana gaadiidka xamuulka ee Qaramada Midoobey ee ku sugan isgoyska Rafah ee xadka Masar loo ogolaaday in iyagu ay shidaalka geeyaan Gaza.

Saraakiisha ka tirsan Wasaaradda Difaaca Israel ayaa sidoo kale laga soo xigtay in shidaalka la fasaxay looga gol leeyahay in lagu fuliyo howlaha bani’aadantinimo.

Qaramada Midoobey ayaa Talaadadii sheegtay in kaydkii shidaalka ee isbitaalada Gaza uu dhammaaday, haddii aan si degdeg ahi shidaalka loogu fasixina ay sababi doonto masiibo kaloo bani’aadanimo.

Waa markii ugu horreysay oo Israel ay shidaalka u ogolaato dhulka ay go’doomisay, tan iyo markii ay colaaddan dib uga soo dhex cusboonaatay labada dhinac.

Tani waxay imaanaysaa, xilli inta badan isbitaalada Gaza ay howlihii shaqo u joojiyeen shidaal la’aan, waana xilli isbitaalada ay muddooyinkii ugu dambeysay ku shaqeynayeen motoorada u gaarka ah isbitaaladaasi, balse markii dambe ay shidaal la’aan soo food-saartay.

Israel ayaa maalmo ka dib weerarkii 7-dii October, si ay uga aargudato Xamaas, waxay Gaza ka jartay adeegyadii biyaha iyo korontada, iyadoona tan iyo xilligaas hortaagneyd in shidaalka la geeyo magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc