Home Wararka Caalamka Israel oo xoojisay xasuuqa ay ka waddo Marinka Gaza

Israel oo xoojisay xasuuqa ay ka waddo Marinka Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa duqaymo baahsan ka gaysanayaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, oo mar loo tixgeliyay aag nabdoon.

Ciidamada Israel ayaa saacadihii la soo dhaafay tobanaan qof ku dilay deegaanka Rafah ee koonfurta fog ee Gaza, kuna dhow xadka Gaza iyo Masar.

Inta badan dadka reer Gaza ayaa waxay u qaxayaan deegaankan, ka dib markii ay raaceen amarada Taliska Militariga Israel ee Gaza. Taliska ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in ay isaga barakacaan Khan Yunis iyo xaafadaha kale ee ku dhow dhow.

Ciidamada Israel ayaa dhowrkii saac ee ugu dambeeyay waxay Rafah ka gaysteen duqaymo xoogan oo dhismayaal badan ay ku burbureen.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay la dilay 214 qof oo rayid ah, halka 300 oo kalena ay Ciidamada Israel dhaawaceen.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in tiro badan oo dhibaneyaal ah ay ku hoos jiraan burburka, qaar kalena ay ku xaniban yihiin waddooyinka, isla-markaana aysan gaari karin isbitaalada.

“Isbitaalada ku yaal koonfurta Gaza xitaa ma awoodaan inay qaabilaan dhaawacyo badan.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay qafaal ahaan u haystaan 99 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee magaalada, kuwaa oo ay ku jiraan Agaasimeyaal.

Hay’adaha gargaarka ayaa carro iyo niyad jab ka muujiyay dhibaatooyinka joogtada ah ee lagu hayo dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza.

Afhayeen u hadlay Hay’adda UNICEF oo lagu magacaabo James Elder ayaa sheegay inuu aad uga carooday in dhallaanku xitaa aysan ammaan ku heli karin isbitaalada.

“Waxa socdo waxaan ognahay inay tahay duqayn aan loo meel dayin, waana ognahay hubka la isticmaalay. Kumanaan carruur ah ayaa lagu dilay weerarada aan loo meel dayin ee ka dhacay goob dadku ku badan yihiin.” Ayuu yiri James Elder oo la hadlay Al Jazeera.

James Elder ayaa ka digay cuduro halis ah oo ka dilaaca Gaza, sababo ku aaddan biyo la’aanta iyo fayadhowr xumada ka jirta magaalada.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee Xamaas maamusho ayaa sheegtay in tirada dadka la dilay ay hadda gaartay 19,667 qof, in ka badan 52,586 kalena ay ku dhaawacmeen duulaanka Israel ee ka dhanka ah Marinka Gaza.

Ficilada foosha xun Israel ee Gaza ayaa walaac xoog leh ku haya dunida, mana jirto cid Tel Aviv kula xisaabtameysa gabood-faladeeda ka dhanka ah dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc