Home Wararka Caalamka Israeliyiin meydadkooda laga helay gudaha Marinka Gaza

Israeliyiin meydadkooda laga helay gudaha Marinka Gaza

by Laacib

Meydadka saddex qof oo Israeliyiin ah ayaa laga helay Marinka Gaza, ka dib hawlgal ay sameeyeen Ciidamada Israel, sida uu sheegay taliskooda.

Saddexda qof ee meydadkooda la helay ayaa lagu kala sheegay Shani Louk oo 23 jir ahayd, Amit Buskila oo 28 jir ahayd iyo Yitzhak Gelanter oo isaguna 57 jir ahaa.

Warbaahinta Israel ayaa Jimcihii sheegtay in meydadkaasi laga helay god dhulka hoostiisa ah, oo Xoogaga Xamaas ay ku leeyihiin gudaha Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in saddexdaasi qof lagu dilay weerarkii October 7-deedii, Xamaas-na ay meydadkooda gaysay Marinka Gaza.

Taliska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in meydadkaasi ay ciidamadooda ku soo heleen hawlgal ay sameeyeen, ka dib xog uu sirdoonkooda ka helay xubno ka tirsan kooxaha wax iska caabinta, oo sida ay sheegeen laga soo xiray Marinka Gaza.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa warkan ku sheegay mid qalbi jab ah, sida uu yiri.

“Waanu soo celin doonnaa dhammaan la haysteyaashayada, kuwa nool iyo kuwa dhintayba, si isku mid ah.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari oo tacsi u diray qoysaska dadkaasi ayaa sheegay in ay samayn doonaan wax kasta oo awoodooda ah, si ay guryahooda dib ugu soo celiyaan la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

“Waxaan samayn doonnaa wax kasta oo aan awoodno, si aan guryahooda ugu soo celino dadka na looga haysto Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka oo intaasi ku daray “Ma nasan doono illaa aan samayno.”

1,200 oo qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu dilay weerarkii aan horey loo arag ee ay Xoogaga Xamaas 7-dii bishii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Kooxaha wax iska caabinta ayaa xilligaasi 252 qof afduub ahaan ugu kaxeystay Marinka Gaza, inkastoo 105 ka mid ah lagu sii daayay wejigii 1aad ee heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga ee bishii November dhex maray Israel iyo Xamaas. 80 ka mid ah dadkaasi ayaa ahaa Israeliyiin. Israel ayaa dhankeeda sii deysay 240 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa xabsiyadeeda. Heshiiska ayaa waxaa qayb ka ahaa hal toddobaad oo xabad joojin ah oo daba-yaaqadii bishaasi ka dhaqangashay Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ku celceliyay in duqaymaha baahsan ee ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza ay khatar dhab ah ku yihiin nolosha la haysteyaasha, qaar ka mid ahna ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma cadda la haysteyaasha Israeliyiinta ee weli nool ee ku jira gacanta kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, balse Israel ayaa qiyaaseysa in 130 qof ay ku dambeeyaan gacanta Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc