Home Wararka Caalamka Isreal oo lagu eedeeyay in laba ujeeddo ay midkood ka leedahay xasuuqeeda shacabka

Isreal oo lagu eedeeyay in laba ujeeddo ay midkood ka leedahay xasuuqeeda shacabka

by Laacib

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta ee UNRWA ayaa sheegtay in boqolkiiba afartan (40%) dadka reer Gaza ay halis ugu jiraan macluul.

“Gaza waxa ay la daalaa dhacaysaa gaajo masiibo ah, 40% dadweynaha ayaa hadda halis ugu jira macluul. Maalin kasta waxaa halgan loogu jiraa badbaadada, helitaanka cunto iyo biyo.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay hay’addu soo saartay.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Waxaan u baahanahay sahay joogto ah, badbaado iyo helitaan bani’aadantinimo oo joogto ah, guud ahaan Marinka Gaza.”

Agaasimaha Hay’adda UNRWA, Thomas White ayaa isna sheegay “Dadku way gaajeysan yihiin oo waxay ka quusteen cuntada kolonyada UNRWA ee Gaza.”

Agaasimaha ayaa barraha bulshada ku sheegay “40% dadka ayaa halis ugu jira macluul. Sahay joogto ah oo dheeraad ah ayaa loo baahan yahay, waxaana loo baahan yahay helitaan badbaado leh oo waara oo bani’aadantinimo, meel kasta oo ay ku jirto waqooyiga Gaza.”

Dhanka kale Maamulka Falastiiniyiinta ayaa weerarada arxandarrada ah ee Israel ka waddo Marinka Gaza ku sheegay mid ay Tel Aviv ka damacsan tahay inay ku barakiciso dadka rayidka ah amaba inay dhintaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa sheegtay in Israel ay shacabka Falastiiniyiinta ula dhaqmeyso cadow ay tahay in la dilo amaba la barakiciyo.

Wasaaradda ayaa bayaan ku sheegtay in duulaanka Israel ee Gaza uu yahay xasuuq ay Israel ku bartilmaameedsaneyso dadka rayidka ah.

Sidoo kale waxay wasaaraddu sheegtay in Ciidamada Israel ay si weyn ugu soo qulqulayaan Daanta Galbeed ee la haysto, iyagoo toogasho ku dilaya dadka rayidka ah, kuwaa oo sida ay sheegtay dhul la wareegaya, Falastiiniyiintana ka saaraya guryahooda.

Gacanta adag ee ay Israel ku wajaheyso dadka rayidka ah ayaa laga digaya in ay kaga sii darto colaadda ka aloosan Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc