Home Dhacdooyin Itoobiya iyo Somaliland oo gaaray heshiis ay Itoobiya bad ku heleyso (SAWIRRO)

Itoobiya iyo Somaliland oo gaaray heshiis ay Itoobiya bad ku heleyso (SAWIRRO)

by Laacib

Itoobiya iyo Somaliland ayaa maanta kala saxiixday heshiis taariikhi ah, oo u ogolanayo in Itoobiya ay bad ka hesho Badda Cas.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay xoojiyaan iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee ay leeyihiin.

Raysal Wasaare Abiy Ahmed ayaa heshiiskan u saxiixay Xukuumadda Addis Ababa, halka dhanka Somaliland-na uu u saxiixay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in heshiiska ay dhinacyadu gaareen uu dhabaha u xaarayo in Itoobiya ay ka dhabeyso hamigeedii ahaa inay hesho marin Badda Cas ah.

Warka ayaa lagu sheegay in heshiiska is afgaradka uu sidoo kale u gogol xaarayo in la xoojiyo iskaashigooda dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay munaasabadda heshiiska ayaa sheegay in Somaliland ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya, marka heshiiska la saxiixo.

“Waxaa inoo farxad ah oo aan uga mahadnaqayaa Raysal Wasaaraha iyo Itoobiyaba, sidii aan ku heshiinay ee ku qoran halkan, in annaguna aan u ogolaano 20KM oo bad ah, iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan, oo ay Qaranka Somaliland dowladdii ugu horreysay ee na aqoonsata ay noqon doonaan, marka la saxiixo heshiiska.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa xusay in 20KM ay Ciidamada Itoobiya u ogol yihiin inay degaan uu kiro yahay, isla-markaana aysan ahayn wax bilaash ah amaba la siiyay inay qaataan.

“20KM ee xeebta ee ciidamadooda aynu u ogolnahay inay degaan waa kiro, siin maaha, bilaashna maaha.” Ayuu yiri Madaxweye Muuse Biixi.

Tani ayaa imaanaysa, xilli Dowladda Federaalka Somaliya iyo Somaliland ay Jimcihii ku heshiiyeen in ay dib u bilaabaan wada hadaladii labada dhinac ee muddada uu hakadka ku jiray.

Ma cadda in Dowladda Federaalka ay wax ka ogtahay heshiiskan iyo in kale, iyadoona aan illaa iyo hadda ka hadlin, sida ay heshiiskaasi u aragto.

Itoobiya oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof ayaan wax deked ahi lahayn, tani oo dhaqaalaha dalkaasi ka dhigtay sida la sheegay mid aan u korin, sidii la rabay.

Dalka 2aad ee Afrika ugu dadka badan ee Itoobiya ayaa bad la’aan ahaa, tan iyo markii ay Eritrea ka go’day dalkaasi, sanadkii 1993-kii.

Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa daba-yaaqadii bishii October ka laabtay hadal uu bartamihii bishaasi jeediyay, kuna aaddanaa in Itoobiya ay xoog iyo xeeladba ku raadin doonto, sidii ay u heli lahayd deked dhacda Badda Cas.

Hadalkiisan ayaa walaac ku abuuray dalalka Geeska Afrika qaarkood, oo si dhab ah u qaatay in duulaan uu kaga iman karo Addis Ababa.

“Waxaa jirta baqdin laga qabo in Itoobiya ay duulaan qaaddo, ka dib dalabkeennii xoogganaa ee dhawaanahan ee ahaa in aynu helno bad. Itoobiya weligeyd dalna kuma duulin, mana dhici doonto in mustaqbalkana ay ku duusho. Waxaan rabaa in aan idiin caddeeyo in Itoobiya aysan danaheeda ku raadin doonin dagaal. Waxaa naga go’an in danaheenna iyo danta guud lagu gaaro wada hadal iyo gorgortan.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Abiy oo u laab qaboojinayay dadka walaaca ka muujiyay hadalkiisii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc