Home Wararka Maanta Itoobiya oo ka hadashay weerarka ka dhacay xerada ku taala Degmada Doolow

Itoobiya oo ka hadashay weerarka ka dhacay xerada ku taala Degmada Doolow

by Laacib

Dowladda Itoobiya ayaa goor dambe ka hadashay weerarkii maleeshiyada Al Shabaab ay Arbacadii shalay ku qaadeen xerada ay ciidamadeeda ku leeyihiin Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay fashiliyeen weerarkaasi, ka hor inta aysan ismiidaamiyeyaasha ka tirsan Al Shabaab gaarin xeradii uu bartilmaameedku ahaa.

“Ciidanka Difaaca Itoobiya waxay ka takhaluseen ismiidaamiyeyaashii, waxayna burburiyeen hub ay adeegsan laheyd kooxda argagixisada.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Warka ayaa lagu muujiyay inaanu weerarku gaysan wax khasaare ah, marka laga soo taggo in la dilay raggii Shabaabka ka tirsanaa ee damacsanaa in ay xeradaasi isku qarxiyaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in barqanimadii Arbacada ay maqleen laba qarax oo waaweyn.

Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in weerarkaasi ay fuliyeen laba nin oo la socday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Dhanka kale Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Gedo, Aadan Sahal Abuu Turaab ayaa sheegay in weerarkaasi lala eegtay xero ay 5-tii bilood ee ugu dambeysay isku uruursanayeen Ciidanka Itoobiya.

Gudoomiyaha oo la hadlay Radio Andalus ayaa hoosta ka xariiqay in weerarku uu u dhacay sidii loogu talagalay, inkastoo uusan sheegin inta uu le’egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Gudoomiyaha ayaa xusay in xeradaasi ay ku sugnaayeen saddex kun oo Militariga Itoobiya ah, kuwaa oo uu ku eedeeyay inay qorsheynayeen duulaan ka dhan ah deegaanada ay Shabaabku ka arrimiyaan.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli ciidamo ka socdo dalalka deriska lagu wado in ay ka qayb qaataan wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.

Villa Somalia ayaa waddo qorshihii ugu dambeeyay ee wejiga labaad ee hawlgalka, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in lagu qabto dhulka ay gacanta ku hayaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc