Home Dhacdooyin Jabalia oo cadaab ku noqotay Ciidamada Israel

Jabalia oo cadaab ku noqotay Ciidamada Israel

by Laacib

Jabalia oo ku taala waqooyiga Marinka Gaza ayaa noqotay xudunta iska caabinta ee ay Ciidamada Israel kala kulmayaan guud ahaanba Marinka Gaza.

Ciidamada Israel oo dhawaan hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabay deegaankaasi ayaa iska caabin aan caadi ahayn kala kulmaya Xoogaga Ururka Xamaas, iyadoona ay Jabalia ku noqotay furinta ay khasaaraha xooggiisa kala kulmayaan.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel jiif iyo joogba loo diiday, saacad kastana ay ku socoto weerar lagu dhiig bixinayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay kordheyso qaylo dhaanta ay Ciidamada Israel u dirsanayaan taliskooda, si dhanka hawada looga gacan siiyo, si ay goobta dagaalka uga adkaadaan kooxaha wax iska caabinta.

Taangiyada iyo Ciidamada Israel ee la soo geliyay Jabalia ayuu ujeedkoodu ahaa in ay si qoto dheer isugu fidiyaan xerada qaxootiga ee Jabalia iyo nawaaxigeeda, balse ay taasi ka hortaagan tahay iska caabinta xoogga leh ee ay halkaasi kala kulmayaan.

Ururka Xamaas ayaa si is daba joog ah u soo bandhigaya muuqaalo muujinaya kooxaha wax iska caabinta oo taangiyo badan ka gubaya Ciidamada Israel, iyagoo markaasi adeegsanaya gantaalka garabka laga tuuro ee Al-Yassin 105 iyo walxaha kale ee qarxa.

Muuqaalada ayaa sidoo kale laga arki karaa kooxaha wax iska caabinta oo toogasho ku leynaya Militariga Israel ee gudaha ugu jira xerada Jabalia.

Garabka Militariga Xamaas ee Al Qassam ayaa sheegay in ay hortaagan yihiin Ciidamada Israel ee Sabtidii dib u soo hujuumay Jabalia.

Ciidamada Isrel ayaa la sheegay inay dib ugu soo rogaalceliyeen Jabalia, ka dib markii taliskooda uu sheegay in Xoogaga Xamaas ay dib ugu soo xoogeysteen deegaankaasi, oo sida ay sheegeen ay horaan ka sifeeyeen.

Marka aad milicsato in dagaalada Jabalia ay yihiin kuwo lagu riiqmay ayaa waxaa kuu muuqaneyso inay aad u sarreyso khatarta ay dhexda kaga jiraan Ciidamada Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa Khamiistan sheegay in ciidamadu ay dhexdooda askar isaga dileen Jabalia, kuwo kalena ay isaga dhaawaceen.

Taliska ayaa sheegay in rasaas ay xalay furayn taangiyadooda ay galaafatay nolosha shan askari oo ka tirsan Guutada 202aad ee Ciidanka Difaaca Israel, toddobo kalena ay ku dhaawacantay.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in ciidamadoodu ay si khalad ah u duqeeyeen dhismo ay ku sugnaayeen askartaasi, xilli uu dagaal ka socday xerada Jabalia.

Tobanaan kun oo shacab ah ayaa ka cararay dagaalada iyo duqaymaha ay Israel ka waddo deegaanka Jabalia.

Jabalia ayaa u muuqato mid ay isugu soo harayaan oo keliya Xoogaga Xamaas iyo Ciidamada Israel.

Iska caabinta nool ee ka jirta Marinka Gaza ayaa calaamad u ah in kooxaha wax iska caabinta ay weli awood u leeyihiin in muddo dheer ay la sii dagaalamaan ciidamada ku soo duulay dhulka go’doonsan.

Toddobo bilood oo Israel ay Xamaas kula dagaalameysay Marinka Gaza ayaan illaa iyo hadda xaqiijin hadafkeedii dagaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc