Home Wararka Maanta James Swan oo dib loogu soo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka

James Swan oo dib loogu soo magacaabay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Talaadadii James Swan u soo magacaabay in uu noqdo Sii Hayaha Ergayga Gaarka ah Qaramada Midoobey ee Somaliya.

James Swan ayaa sii maamuli doona Xafiiska Qaramada Midoobey (UNSOM) ee Somaliya, ka dib markii dhawaan ay shaqada ka fariisatay Catriona Laing.

Catriona Laing ayaa 4-tii bishan soo geba-gabeysay howlaheedii diblomaasiyadeed ee dalka, iyadoona kulankeedii ugu dambeeyay la qaadatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Catriona Laing oo xilka loo soo magacaabay 3-dii bishii May ee sanadkii 2023 ayaa xafiiska la wareegtay horaantii bishii xigtay ee June.

Catriona Laing ayaa la wareegtay shaqada UNSOM, ka dib markii uu jegadaasi banneeyay James Swan.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa Catriona Laing oo u dhalatay dalka Ingiriiska uga mahadceliyay shaqadii ay ka soo qabatay Somaliya.

James Swan oo ah diblomaasi u dhashay dalka Mareykanka ayaan la aqoon muddada uu xafiiskaasi sii maamuli doono.

Dib u soo magacaabidda Swan ayaa imanaysa, xilli Dowladda Federaalka ay dalbatay in la xiro Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey ee dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc