Home Wararka Caalamka Jan Egeland oo Israel ku eedeeyay in ay ku dhaqmeyso waxyaabihii uu Madaxweyne Biden ka digay

Jan Egeland oo Israel ku eedeeyay in ay ku dhaqmeyso waxyaabihii uu Madaxweyne Biden ka digay

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway, Jan Egeland ayaa dhalleeceeyay fal dembiyeedyada sii kordhaya ee Israel saddexda toddobaad ka waddo Marinka Gaza.

Xoghayaha ayaa Israel ku eedeeyay in ay si taxadar la’aan ah hawlgalada cirka uga gaysaneyso Gaza, taas oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaareyso dadka rayidka ah.

“Israel waxay hadda ku dhaqmaysaa waxyaabihii uu Madaxweyne Biden ka digay, ma jirto taxadar ay muujineyso, mana jirto waxyaabo lagu kala saarayo dadka rayidka ah iyo argagixisada Xamaas.” Ayuu yiri Xoghayaha.

Xoghayaha ayaa Israel ugu yeeray in ay joojiso duqaymaheeda Gaza, haddii ay saameysay laba dhibic laba milyan (2.2m) oo qof, oo kala bar ay carruur yihiin.

“Xilligan ma ahan oo keliya inay xaaladda ka sii dareyso, waxay weeraradu saameeyeen 2.2 milyan oo qof, oo ay ku jiraan hal milyan oo carruur ah oo aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Jan Egeland, Xoghayaha Guud ee Golaha Qaxootiga Norway.

Waxa kaloo uu yiri “Tani waa in la soo afjaraa, waa in la sameeya xabad joojin ama la hakiyo, waa in heshiis lagu baaqaa. Aad baan uga niyad jabnay diblomaasiyadda.”

Jan Egeland ayaa xusay in baabuurta yar ee gargaarka aanay dabooli karin baahida dadka rayidka ee kaalmada bani’aadantinimo u baahan.

“Tirada yar ee baabuurta gargaarka waxba kama tarayaan, marka loo eego baahida weyn ee jirta, waana in xabad joojin la sameeya.” Ayuu yiri Egeland.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka ay helayaan kiisas soo badanaya, oo la xiriira cudurada ku dhaca carruurta yaryar.

Hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa xalay ku baaqay in la helo wadiiqooyin suurtagelinaya in gargaar buuxa la gaarsiiyo Marinka Gaza.

Hoggaamiyeyaashan oo ku kulmay Magaalada Brussels ayaa labada dhinac ka dalbaday in ay xiisadda dejiyaan, si wax lagaga qabto xaaladda aadka u liidata ee bani’aadantinimo ee Gaza.

Baaqa Midowga Yurub ayaa imaanaya, iyadoo ay sii xoogeysanayso cambaareynta Hoggaamiyeyaasha Bariga Dhexe ee duqaymaha Israel iyo go’doominta guud ee ay ku soo rogtay Gaza, bacdamaa ay meesha ka saartay in dadku helaan sahayda cuntada, biyo nadiif ah, dawooyin, koronto iyo shidaal.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc