Home Wararka Caalamka Jarmalka oo Israel u sheegay inaanay furin kale ka furi karin Rafah

Jarmalka oo Israel u sheegay inaanay furin kale ka furi karin Rafah

by Laacib

Dowladda Jarmalka ayaa Maamulka Israel uga digtay in ay furin u bedelaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinta Gaza, sidoo kalena ku taala xadka Gaza iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa maamulkaasi uga digtay in ciidamadooda ay weerar dhinaca dhulka ah ka bilaabaan Rafah.

In ka badan hal milyan oo qof oo guryahooda looga soo barakaciyay duqaymaha baahsan ee ka socda Gaza ayaa soo dhoobtay Rafah, halkaas oo dadku ay ka sameysteen guryo ka sameysan teendhooyin iyo cooshado. Xadka Rafah ayaana ah meesha keliya ee Gaza uu ka soo galo gargaarka yar ee mararka qaarkood la gaarsiiyo dadka reer Gaza.

“Sida uu ku dhawaaqay Wasiirka Difaaca Israel in hawlgalada laga bilaabi doono meesha ugu dambeysa ee ugu dadka badan, waa mid aan qiil lahayn.” Ayay tiri Annalena Baerbock.

Waxa kaloo ay tiri “Inta badan dadka halkaasi ku sugan waa carruur iyo haween, aynu qiyaasno waa carruurteenna.”

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa Khamiistii ku hanjabay in Militariga Israel ee ku sugan bartamaha Marinka Gaza ay hawlgalo dhinaca dhulka ah ka bilaabi doonaan deegaanka Rafah.

Wasiirka ayaa sheegay in cadaadiska militarigu uu horseedi doono in ay guryahooda dib ugu soo celiyaan 136 Israeliyiinta ah ee lagu haysto Gaza, isla-markaana ay burburin doonaan Xoogaga Xamaas ee ku sugan Rafah.

“Ciidamadeenu waxay ciribtiri doonaan argagixisada ku sugan Rafah. Dagaalka waan sii wadi doonnaa, illaa dhammaadka, ma jirto waddo kale.” Ayuu ku hanjabay Wasiirku.

Annalena Baerbock, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka oo Sabtidii wareysi siisay Shabakadda RND ayaa sheegtay in ay aad uga naxday, markii ay maqashay warka ka soo yeeray Wasiirka Difaaca Israel.

Waxay sheegtay in Berlin iyo Washingtonba ay si cad ugu sheegeen Israel in aanay ciriiri kale gelin karin dadka rayidka ah ee isugu soo uruuriyay dhulka ciriiriga ah ee Rafah.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa dhankiisa walaac ka muujiyay gulufka Israel ee ku wajahan Rafah.

“Waxaa jira hal milyan oo qof oo ku nool koonfurta Gaza, kuwaas oo si tartiib tartiib ah ugu barakacay dhanka xadka Masar. Israel waxay markii hore ay dadka u sheegtay in koonfurta ay tahay goob ammaan ah, laakiin xaqiiqadu waxaynu aragnaa inay sii socoto duqaymaha ay dadka rayidka ah ku hayso, isla-markaana ay abuurayaan xaalad aad u xun.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Midowga Yurub ayaa la sheegay in Israel uu ku booriyay in aanay dagaalka ku fidin cirifka koonfureed ee Gaza, halkaas oo ay maciin bideen kala bar dadka reer Gaza oo tiradooda lagu qiyaaso 2.3 milyan oo qof.

Duqayn ay subaxnimadii Sabtidii Ciidamada Israel ka gaysteen Rafah ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku geeriyooday 14 qof.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa walaac xoogan ka muujiyay, waxa ku soo socda Rafah.

Ugu yaraan 27,238 qof ayaa lagu dilay weerarada ay Israel ka waddo Marinka Gaza, halka in ka badan 66,452 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay Sabtidii sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc