Home Wararka Caalamka Jarmalka oo si adag uga horyimid amarka uu Netanyahu ku bixiyay duulaanka Rafah

Jarmalka oo si adag uga horyimid amarka uu Netanyahu ku bixiyay duulaanka Rafah

by Laacib

Dowladda Jarmalka ayaa si adag uga hortimid qorshaha ay Ciidamada Israel duulaanka ugu qaadayaan deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa Jimcihii saxiixay amar ay ciidamadiisu hawlgal dhinaca dhulka ah uga bilaabayaan Rafah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa sheegtay inaysan Ciidamada Israel weerari karin deegaanka ay gabaadsanayaan dad tiradooda lagu qiyaasay 1.4 milyan oo barakacayaal ah.

Waxay sheegtay inaanay Israel wax cudurdaar ah u haysan duulaankeeda Rafah, ayna tahay in ay ka baaqsato duulaankaasi, si aan halis loo gelin nolosha dadka rayidka ah.

“Weerar ballaaran oo lagu qaado Rafah ma noqon doono mid wax qiil ah loo helo. In ka badan hal milyan oo barakacayaal ah ayaa magangelyo u doontay halkaasi, mana haystaan meel kale oo ay aadaan.” Ayay tiri Annalena Baerbock.

Annalena Baerbock ayaa dhinacyada ku boorisay inay gaaraan heshiis xabad joojin bani’aadantinimo ah, lana sii daayo dadka la haysteyaasha ah.

“Waxaa loo baahan yahay xabad joojin, si aysan dad badani u dhiman, la haysteyaashana la sii daayo.” Ayay tiri Annalena Baerbock oo warkan ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka, Shiinaha iyo dalal kale oo ka mid ah kuwa gobolka ayaa horey uga digay in Ciidamada Israel ay guluf militari ka bilaabaan deegaanka Rafah.

Iyadoo in ku dhow hal milyan iyo bar oo Falastiiniyiin ah ay ku sugan yihiin Rafah ayaa waxaa jirta cabsi laga qabo in duulaanka qorsheysan ee Israel ay ku qaadayso dhulka ciriiriga ah uu cawaaqib xun ku yeelan doono dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza ayaa la ildaran cunto xumo, biyo, dawo iyo shidaal la’aan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Rafah oo ku taala xadka Gaza iyo Masar ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay ku barakaceen inta badan dadka reer Gaza.

Israel oo duulaankeeda ku ballaariso Rafah ayaa kordhin karta carrada dadka gobolka iyo kuwa kale ee dunida ee ku aaddan weeraradeeda Gaza, oo ay ku dhinteen in ka badan 31 kun oo qof, halka in ka badan 70 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Duulaanka Rafah ayaa dabka ku sii shidi kara xiisadda haatan ka jirta Bariga Dhexe, marka aad eegto in falcelinta ka dhalatay duulaanka Israel ee Gaza ay dhabaha u xaartay weerarada maraakiibta Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, xiisadda ka oogan xadka Lubnaan & Israel iyo beegsiga lagu hayo Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc