Home Wararka Caalamka Jarmalka oo si adag uga horyimid in kaalmada bani’aadanimo laga jaro Falastiiniyiinta

Jarmalka oo si adag uga horyimid in kaalmada bani’aadanimo laga jaro Falastiiniyiinta

by Laacib

Dowladda Jarmalka ayaa si adag uga hortimid qorshaha Midowga Yurub uu ku joojinayo gargaarkii bani’aadanimo ee la siinayay Falastiiniyiinta xilligan adag.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Annalena Baerbock ayaa sheegtay in joojinta gargaarka bani’aadanimo uu gebi ahaanba yahay mid khaldan.

“Gebi ahaanba waa khalad go’aanka gargaarka looga joojinayo dhulka Falastiiniyiinta.” Ayay tiri Annalena Baerbock.

Waxay sheegtay inaanu mid wanaagsan ahayn go’aanka Midowga Yurub ee lagu sheegay in ururku uu joojinayo kaalmada bani’aadamo ee Falastiiniyiinta.

“Gurmadka bani’aadanimo waa mid muhiim u ah dadka rayidka ah, waana arrin khalad ah in kaalmadaasi hadda la joojiyo.” Ayay tiri Annalena Baerbock.

Waxa kaloo ay tiri “Malaayiin qof oo ay ku jiraan carruur fara-badan oo ku nool dhulka Falastiin ayaa ku tiirsan cunnada, biyaha iyo dawada aanu siino.”

Dowladaha Portugal, Spain, Ireland iyo Luxembourg ayaa qaadacay qorshaha Midowga Yurub ee lagu joojinayo deeqda lacageed ee la siiyo dadka reer Falastiin, inta ay iska dhacyadu socdaan.

Bayaan mar dambe ka soo baxay Guddiga Midowga Yurub ayaa lagu shaaciyay inaanan xilligan la joojin doonin kaalmada lacageed ee lagu taageero dadka rayidka ah.

Tani ayaa jawaab u ah warkii Gudoomiyaha Midowga Yurub ee Deriseynta & Ballaarinta, Oliver Varhelyi uu ku sheegayay in ururku uu joojiyay gargaarkii la siinayay shacabka Falastiin.

Dhanka kale dalalka galbeedka qaarkood ayaa la sheegaya in ay Maamulka Israel ku cadaadinayaan in uu furo wadiiqooyinka gargaarka loo marsiiyo bulshada Gaza iyo kuwa kale ee ku dhaqan Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant ayaa sheegay in uu bixiyay amar si buuxdo loogu go’doominayo Gaza, ka dib weerarkii lama filaanka ahaa ee Xamaas ku qaadday dhulka la haysto ee Israel maamusho.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabada lagu adkeynaynayo go’doominta Gaza ay kaga hortaggayaan inaanan la keenin shidaalka iyo sahayda cuntada, iyadoona Ciidamada Israel ay xireen wadooyinkii gargaarka bani’aadanimo loo marinayay dadka ku dhaqan Marinka Gaza.

Hay’adaha Qaramada Midoobey ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’doominta guud ay Israel ku soo rogtay Gaza, si ay uga falceliso weerarkii Xamaas.

Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) oo walaac xoogan ka muujisay go’doominta daran ee Israel ayaa ku baaqday in la furo marinada gargaarka bani’aadanimo.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ku baaqday in la furo wadiiqooyinka gurmadka bani’aadanimo ee dhinaca dhulka.

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan carruurta (UNICEF) ayaa ka digtay go’aanka ay Israel sahayda cuntada iyo biyaha uga jartay Gaza.

Dadka reer Gaza ayaa tan iyo sanadkii 2007-dii wajahayay go’doomin dhulka, badda iyo hawada oo Israel ay saartay. Gaza waxaa ku nool in ka badan laba milyan oo qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc