Home Wararka Caalamka Jarmalka oo xoojinaya xadka bari ee difaaca NATO

Jarmalka oo xoojinaya xadka bari ee difaaca NATO

by Laacib

Jarmalka ayaa sheegaya in la joogo xilligii uu xoojin lahaa xadka bari ee difaaca Gaashaanbuurta NATO, ka dib rabshadihii Sabtidii ka dhacay dalka Ruushka.

Wasiirka Difaaca Jarmalka, Boris Pistorius ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar la tahay in 4,000 oo askari ay u dirto dalka Lithuania, si loo xoojiyo garabka bari ee NATO.

Wasiirka oo Isniintii booqday dalkaasi ayaa sheegay in Berlin ay dooneyso in ciidamadeeda ay si joogto ahi uga hawlgalaan dalkaasi.

“Jarmalka waxa uu diyaar u yahay in si aan ku-meel-gaar ahayn uu ciidamadayada halkaasi u geeyo, si loo xoojiyo garabka bari ee difaaca NATO.” Ayuu yiri Wasiirka.

“Waxaan doonaynaa in si joogto ah aanu ciidamadayada u dejino halkaasi, annagoo marka hore diyaarinayna xarumihii ay degi lahaayeen.” Ayuu sii raaciyay Wasiirku.

Dowladda Jarmalka ayaa horey 1,000 askari oo xoojin ah u gaysay dalkaasi, oo xad la wadaago Gobolka Kaliningrad ee Ruushka.

Boris Pistorius, Wasiirka Difaaca Jarmalka ayaa u muuqdo mid ka jawaabaya codsiyadii joogtada ahaa ee kaga imaanayay dowladda dalkaasi, ee ahaa inay ciidamo u soo dirto Lithuania, ka dib duulaankii Ruushka ee Ukraine.

Horaan, Jarmalka ayaa ballanqaaday in uu difaaci doono dalkaasi, haddii uu Ruushku soo weeraro.

Dalkan dhaca Gobolka Baltic-ga ayaa lagu wadaa in 11-12 bisha soo socota ee July uu martigeliyo shir madaxeedka xulafada NATO. Shirka ayaa looga hadli doonnaa duulaanka Moscow ee Kyiv iyo khatarta isbahaysiga kaga iman karta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Vladimir Putin.

Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub oo Isniintii shalay ka hadlayay dalka yar ee Luxembourg ayaa walaac ka muujiyay qalqalkii amni, ee ay xoogaga calooshood u shaqeysteyaasha Ruushka ay Sabtidii ka sameeyeen dalkaasi.

Josep Borrell ayaa wax aan wanaagsanayn ku tilmaamay in quwad nuclear oo sida Ruushka oo kale ah ay gasho marxalad xasillooni darro oo siyaasadeed.

Xoogaga Wagner ayuu gadoodkoodu la xiriiray, ka gadaal markii Madaxa Wagner, Yevgeny Prigozhin uu dhibsaday sida uu sheegay habdhaqanka Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka, Sergei Shoigu, kaas oo muddooyinkii ugu dambeysay uu ku eedeynayay inuu xagal daacinayo dagaalka Ukraine.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc