Home Wararka Caalamka Jordan oo baajisay shir uu Madaxweyne Biden kaga qaybgeli lahaa dalkaasi

Jordan oo baajisay shir uu Madaxweyne Biden kaga qaybgeli lahaa dalkaasi

by Laacib

Dowladda Jordan ayaa baajisay shir afar geesood ahaa oo lagu waday in Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu kaga qaybgalo Caasimadda Amman.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa shirkan la lahaa Boqor Abdalla, Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi iyo Madaxweynaha Falastiiniyiinta, Mahmoud Abbas, kaas oo lagaga hadlayay weerarada Israel ee Gaza.

Jordan ayaa ka carootay duqaynta 5-ta boqol ee qof ku dhinteen ee ay xalay Ciidamada Israel ka gaysteen Isbitaalka Al-ahli Arab ee Marinka Gaza.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jordan, Ayman Safadi ayaa sheegay in kulanka dhinacyada la qaban doono, marka ay dhinacyadu ku heshiin karaan in la soo afjaro colaadda iyo xasuuq ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta.

Wasiirka ayaa Maamulka Israel ku eedeeyay in uu doonayo in Bariga Dhexe uu geliyo xaalad aan daba qabad lahayn.

Boqorka Jordan ayaa qorsheynayay in uu martigeliyo shir afar geesood ah, kaas oo ajandihiisa ka mid ahaa baahida loo qabo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo Gaza, si looga hortago masiibo bani’aadantinimo iyo xal u helidda colaadda Israel iyo Falastiiniyiinta.

Madaxweyne Biden ayaa damacsanaa in kolka uu maanta gaaro Israel uu saacadaha dambe ee Arbacadan uga sii gudbo Jordan, si uu ugu la kulmo madaxda saddexda dal ee Carbeed, ka dibna uu ula yeesho shir ay kaga arrinsanayaan xiisadda ka taagan gobolka.

Aqalka Cad ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Biden uu booqan doono oo keliya Israel, dowladduna ay dib u dhigtay safarkiisii Jordan.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa la sheegaya in gebi ahaanba uu joojiyay kulankii uu la lahaa Madaxweynaha Mareykanka iyo shirkii kale ee lagu waday in uu kaga qaybgalo dalkaasi, ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay isbitaalka ku yaala bartamaha Gaza.

Carro xoog leh ayaa ka dhalatay tallaabada lagu bartilmaameedsaday xaruntaasi caafimaad.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc