Home Wararka Caalamka Jordan oo u yeertay Safiirkeedii Israel (Safiirka Israel naguma soo laaban karo)

Jordan oo u yeertay Safiirkeedii Israel (Safiirka Israel naguma soo laaban karo)

by Laacib

Dowladda Jordan ayaa si degdeg ah ugu yeertay Safiirkeedii u joogay Israel, ka dib markii Ciidamada Israel ay ballaariyeen hawlgaladooda Marinka Gaza.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan ayaa lagu sheegay in Amman ay Danjire Ghassan Majali ku wargelisay in dalkiisa uu dib ugu soo laabto.

“Sidoo kale waxaan Israel ku wargelinay inaysan dib u soo celin Safiirkeeda oo hore uga tegay Jordan.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ku soo celinta Safiirada boosaskooda ay ku xiran tahay in Israel ay joojiso duulaankeeda Gaza.

“In Safiirkeennu uu dib ugu laabto Israel, waxay la xiriiri doontaa joojinta duulaanka Gaza iyo in la soo afjaro masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Gaza ee ka dhalatay weerarada Israel.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Tallaabooyinka Israel ee Gaza, waxay keentay in shacabka Falastiiniyiinta ay waayaan xuquuqdooda cunto, biyo, dawo iyo xuquuqda ay u leeyihiin inay noolaadaan.”

Jordan ayaa ka digtay in dagaalkan uu horseedi karo in colaadda ay ku fiddo Bariga Dhexe oo dhan iyo qalqal ku yimaada ammaanka iyo nabadda caalamiga ah.

“Dagaalkani waxaa ku dhimanaya dad aan waxba galabsan, wuxuuna sababay masiibo bani’aadantinimo oo aan hore loo arag. Dagaalkani wuxuu halis gelinaya in colaaddu ay baahdo, taas oo khatar ku ah amniga gobolka oo dhan iyo ammaanka & nabadda caalamiga ah.” Ayaa lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jordan.

Mowqifka Jordan ayaa loo arkaa tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah, balse go’aankeedaan oo keliya aanu waxba ka tari karin in Israel ay joojiso dadka rayidka ah, ee ay ku leynayso Marinka Gaza.

Rabshadahan ugu dambeeyay ee ka soo dhex cusboonaaday Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10,300 oo qof (8,796 Falastiiniyiin ah iyo 1,538 Israeliyiin ah).

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc