Home Wararka Caalamka Josep Borrell “Xalka waa in la helo dowlad ka barbar dhalata Israel”

Josep Borrell “Xalka waa in la helo dowlad ka barbar dhalata Israel”

by Laacib

Ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu xalay ku celiyay in inta uu xafiiska joogo aanu aqbali doonin dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin ayaa waxaa dhalleeceeyay Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, kaas oo mar kale sheegay in loo baahan yahay xal aan ahayn mid militari.

Waxa uu sheegay in qaabka ay Israel u wajaheyso dagaalka ka dhanka ah Ururka Xamaas uu yahay mid abuuraya sida uu yiri naceyb jiilalka soo socda ah.

Josep Borrell oo maanta ka hadlayay Magaalada Brussels, ka hor wada hadalo gooni gooni ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda Midowga Yurub ay la leeyihiin Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Israel, ninka lagu magacaabo Israel Katz iyo diblomaasiga ugu sarreya Falastiiniyiinta, Riyad Al-Maliki ayaa sheegay in nabadda iyo xasilloonida aan lagu dhisi karin in cudud ciidan la adeegsado.

“Qorshaha Israel ee lagu burburinayo Xamaas ma ahan mid shaqeynaya.” Ayuu yiri Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub oo intaasi ku daray “Nabadda la doonayo laguma dhisi karo qaab militari oo keliya.”

Josep Borrell ayaa hoosta ka xariiqay in xalka laba dowladood oo deris ah looga gudbi karo colaadda muddada dheer ka dhex taagan Israel iyo Falastiiniyiinta.

Borrell ayaa adkeeyay warka ka soo yeeray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ee ku aaddan inaanan la aqbali karin tallaabada ay Israel ku diidan tahay Dowladnimada Falastiiniyiinta.

“Waxa aan rabno in aan samayno waa in aan dhisno xal laba dal ah. Markaa aan ka hadalno.” Ayuu yiri Borrell oo hadalkiisa ku xoojiyay in ay aragti raqiis ah tahay in lagu fekero in shacabka Falastiiniyiinta laga raro guryahooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, haweeneyda lagu magacaabo Annalena Baerbock ayaa taageertay warka Borrell, iyadoo sheegtay in xalka laba dal oo deris ah uu yahay kan keliya ee lagaga gudbi karo colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe.

“Xalkan waxa uu ogolanaya nabad ku wada noolaanshaha ee Israel iyo Falastiin.” Ayay tiri Annalena Baerbock, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka.

Waxa kaloo ay tiri “Dhammaan kuwa diidan xalka laba dowladood, ma aysan keenin xal kale oo ka bedelan.”

Annalena Baerbock oo walaac ka muujisay duqaymaha baahsan ee ka sii socda Marinka Gaza ayaa ku baaqday in arrimo bani’aadantinimo awgeed loo joojiyo colaadda, si xaaladda bani’aadantinimo ee colaadda ka dhalatay wax looga qabto.

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ka shaqeynaya dhismaha dowlad ka madaxbannaan Israel oo Falastiiniyiinta ay leeyihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc