Home Wararka Maanta Kenya oo baqdin ka muujisay taageerada Al Shabaab ee Xamaas

Kenya oo baqdin ka muujisay taageerada Al Shabaab ee Xamaas

by Laacib

Kenya ayaa walaac dhanka amniga ah ka muujisay warka ka soo yeeray Al Shabaab ee taageerada loogu muujiyay Xoogaga Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira Ciidamada Israel.

Al Shabaab ayaa saacadihii dambe ee Arbacadii baahisay bayaan ay ku sheegeyso in Mareykanka iyo Midowga Yurub ay si weyn u garab istaaggeen falcelinta Maamulka Israel, iyana ay garab taagan yihiin Xoogaga Xamaas.

Waaxda La dagaalanka Argagixisada ee Kenya ayaa sheegtay in colaadda Israel iyo Xamaas ay saameynayso ammaanka caalamka.

“Colaadda u dhaxeysa Israel iyo Xamaas ee Gaza waxay saamaynaysaa ammaanka caalamka.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay waaxdaasi.

Warka ayaa lagu sheegay in kooxaha ay ka mid tahay Al Shabaab ay xilligan gaysan karaan weeraro, si ay ugu muujiyaan taageeradooda Xamaas.

Warka ayaa muwaadiniinta dalkaasi loogu baaqay in ay feejignaadaan, isla-markaana ay booliska ku soo wargeliyaan cid kasta oo falal argagixisanimo ay kaga shakiyaan.

“Kooxaha argagixsada, sida Al Shabaab waxay qaadi karaan weeraro iyagoo midnimo u muujinaya Xamaas. Kenyanku waa in ay feejignaadaan oo ay booliska ku wargeliyaan falalka argagixisanimo, si ay tallaabo uga qaadaan.” Ayaa lagu yiri warka.

Al Shabaab ayaa sanadkii 2017 ka hortimid go’aankii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump uu Magaalada Qudus (Jerusalem) ugu aqoonsaday Caasimadda Maamulka Israel.

Shabaabka ayaa 15-kii bishii January ee sanadkii 2019 weerar si weyn loo soo qorsheeyay ka gaystay Hotelka DusitD2 ee Magaalada Nairobi. Weerarkan oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay rag hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi, kana gaystay toogasho ay dad bad badani ku dhinteen.

Shabaabka ayaa xilligaasi war ay soo saareen ku sheegay in weerarkaasi uu jawaab u ahaa go’aankii uu Mareykanka Qudus ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Dowladda Kenya ayaa Axaddii si kulul u cambaareysay weerarka Xoogaga Xamaas ee Sabtidii la beegsadeen Israel.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in Nairobi ay si buuxdo u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Israel.

Kenya waa dalka keliya ee dhaca Geeska Afrika, isla-markaana is garabtaag u muujiya Maamulka Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc