Home Wararka Caalamka Khasaaraha Ciidamada Israel lagu gaarsiiyay dagaalka Gaza oo korortay

Khasaaraha Ciidamada Israel lagu gaarsiiyay dagaalka Gaza oo korortay

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa xaqiijiyay in ay korortay tirada askarta looga dilay hawlgalka dhowrka cisho ka socda Marinka Gaza, isla-markaana ay gaartay 25 askari.

Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tirada askarta looga dhaawacay dagaalka ay hadda sii caga-caganeyso 260 askari.

Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam ayaa sheegay in tirada dhimashada iyo dhaawaca Ciidamada Israel ay aad uga badan tahay tirada uu shaaciyay taliskooda.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo garowsan khasaaraha ciidamadiisa kala kulmayaan dagaalka dhulka ee Gaza ayaa ku bogaadiyay in ay u dagaalamayaan difaaca dalkooda.

Raysal Wasaaraha ayaa ku hanjabay inaanay Israel joojin doonin duulaankeeda Gaza, illaa iyo inta laga soo sii deynayo maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza.

Raysal Wasaare Netanyahu oo Jimcihii Magaalada Tel Aviv ku qaabilay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa sheegay inaanay ka wada hadlin waxyaabo ku aaddan xabad joojinta.

Netanyahu ayaa ku goodiyay in sidoo kale aanay shidaalka u ogolaan doonin xarumaha caafimaadka ee Gaza, isagoona shuruud uga dhigay in oodda laga qaado la haysteyaasha reer Israel.

Tani waxay culeys kale ku noqonaysaa isbitaalada Gaza, oo qaarkood shaqadii u joojiyay shidaal la’aan soo food-saartay, waana xilli Israel ay horaan Gaza uga jartay adeegyadii biyaha iyo korontada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc