Home Wararka Caalamka Khasaaraha dadka rayidka ah iyo Ciidamada Israel oo kordhay

Khasaaraha dadka rayidka ah iyo Ciidamada Israel oo kordhay

by Laacib

Waxaa aad u kordhaya khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaaraya weerarada ay Ciidamada Israel ka wadaan koonfurta iyo waqooyiga Gaza.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza oo isugu jira hawlgal dhinaca cirka iyo mid dhulka ah oo ciidamadeeda ka wadan magaalada ayaa galaaftay nolosha ugu yaraan 20,670 qof oo u badan haween iyo carruur, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Afhayeenka Wasaaaradda Caafimaadka Gaza, Ashraf Al-Qedra ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay baabi’iyeen xaafado dhan, iyagoo ka gaystay buu yiri xasuuq.

Xilli dhakhaatiirta ay qaarkood awoodi kari la’yihiin in ay la tacaalaan bukaanada, haddana Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay xitaa beegsanayaan shaqaalaha caafimaadka.

“Ciidamada Israel waxay dileen ugu yaraan 311 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, 99 kalena waxay ku jiraan xabsiyada Israel.” Ayuu yiri Ashraf Al-Qedra.

Sidoo kale Ciidamada Israel ayaa bartilmaameedsaday ugu yaraan 141 xarumood oo daryeel caafimaad, iyagoona sababay in ay istaaggaan adeegyadii ay bixinayeen 23 isbitaal iyo 53 xarumood.

Qiyaastii 900,000 oo carruur ah ayaa halis ugu jira fuuq-bax iyo macaluul, waxayna u nugul yihiin cudurada neef-mareenka iyo dheef-shiidka.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Tedros Ghebreyesus ayaa wax masiibo ah ku tilmaamay burburinta ay israel ku hayso nidaamka caafimaadka ee magaalada.

“Burburinta nidaamka caafimaadka ee Gaza waa masiibo. Waan ku adkeysanaynaa inaan ku baaqno in xabad la sameeyo hadda.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in tiro kale oo askartooda ah lagu dilay dagaalka ka socdo Marinka Gaza.

Taliska ayaa sheegay in 17 askari lagaga dilay magaalada go’doonsan ee Gaza, tan iyo Jimcihii, taas oo tirada guud ee askarta la dilay, tan iyo 7-dii October ka dhigeysa 489 askari.

Taliska ayaa caddeeyay in hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadooda, tan iyo 27-kii October ka wadaan Gaza ay kaga dhinteen 156 askari.

Khasaaraha ay shaaciyeen Militariga Israel ayaa aad uga badan, sida uu sheegay Afhayeenka Garabka Militariga Xamaas ee Guutada Al-Qassam, Abu Obaida.

Abu Obaida ayaa sheegay in Saraakiisha Israel ay qarinayaan khasaaraha dhabta ah ee ciidamadooda ka soo gaaraya dagaalkan ay kula jiraan xoogaga wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc