Home Wararka Caalamka Khasaaraha shacabka Gaza iyo askarta Israel oo kordhay (SAWIRRO)

Khasaaraha shacabka Gaza iyo askarta Israel oo kordhay (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa sii wada weerarada ee ay sida indha la’aanta ah ugu leynayaan shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta mid ka mid ah duqaymihii ugu ba’naa ka gaystay koonfurta iyo bartamaha Gaza.

Diyaaradaha dagaalka ayaa mar kale duqaymo u gaystay dadka rayidka ah ee degan xeryaha qaxootiga ee Nuseirat iyo Bureij ee bartamaha Gaza, iyadoona ay jiraan dad rayid ah oo ku dhintay iyo kuwa kale oo ku dhaawacmay.

Duqaynta ka dhacday xerada Nuseirat ayaa waxaa ku dhintay nin Saxafi ahaa oo lagu magacaabi jiray Jaber Abu Hidris iyo xubno ka mid ah qoyskiisa. Weerarada goobaha rayidka ayaana qayb ka ah wejigii ugu dambeeyay ee hawlgalka dhulka ay Ciidamada Israel isugu fidinayaan bartamaha iyo koonfurta Gaza.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa codsanaya in sahayda dawada, qalabka caafimaadka iyo shidaal la soo gaarsiiyo isbitaalada ku yaala deegaanka Khan Yunis oo qaabilaya bukaano aad u fara-badan.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 36 isbitaal oo shaqeynayay ay hadda ka shaqeynayaan 13 oo keliya, kuwaa oo 9 ka mida ay ku yaallaan koonfurta, halka 4-ta kalena ay ku yaallaan waqooyiga Gaza.

“9-ka isbitaal ee qayb ahaan shaqeeya ee koonfurta ayaa shaqeynaya saddex laab awoodooda, waxaana soo food-saartay gabaabsi daran oo saadka iyo shidaalka ah.” Ayay tiri hay’addu.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Israel duulaankeeda ku dishay 165 qof, halka 250 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasaaradda ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee la dilay, tan iyo 7-dii bishii October ay gaartay 21,672 qof iyo dhaawaca 56,165 kale.

“Ku dhawaad ​​boqolkiiba toddobaatan (70%) dhibaneyaasha ayaa ah carruur iyo haween.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaraddu.

Taliska Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay 170 askari kaga dhinteen hawlgalka dhinaca dhulka ee ay ciidamadooda ka wadaan Marinka Gaza.

Tirada uu talisku Sabtidan shaaciyay ayaa la rumeysan yahay in ay aad uga badan tahay askarta kaga geeriyootay dagaalka.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa sababay burburka inta badan dhismayaasha Gaza, halka ku dhawaad laba milyan oo ka mid ah dadkii deegaanka lagu khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan, waana xilli ay jirto cunno yari ba’an, biyo la’aan iyo sahayda dawada oo gabaabsi ka ah goobaha caafimaadka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa Jimcihii ogolaaday in gantaalo badan iyo qalab kale oo Israel ay soo dalbatay in loo diro, iyadoo aan wax ansixin ah looga baahnayn Congress-ka, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka.

Mareykanka ayaa si xad la’aan ah Israel ugu taageeraya duulaankeeda ay sheegtay in ay kaga takhaluseyso Ururka Xamaas.

Xamaas ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu si toos ah ugu lug leeyahay hawlgalada ay Israel ku xasuuqeyso shacabka Falastiiniyiinta.

Gumaadka Israel ay ka gaysaneyso Gaza ayaa carro ka dhaliyay Bariga Dhexe iyo dunidaba, waxaana uu gobolku halis ugu jiraa in colaadda ay ku baahdo, iyadoona xoogaga ay Iran taageerto ee Lubnaan, Ciraaq, Suuriya iyo Yemen ay gantaalo ku weerarayaan Israel iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc