Home Wararka Caalamka Khatar dhab ah oo ka jirta Magaalada Gaza

Khatar dhab ah oo ka jirta Magaalada Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa sii wada duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee ay ka gaysanayaan labada daamood ee Marinka Gaza, oo dad badan oo rayid ah ay ku dhimanayaan.

Duqaymaha ayaa si guud u saameeyay koonfurta iyo waqooyiga Gaza, mana jirto meel nabdoon oo ka jirta magaalada, sida ay sheegeen Saraakiisha Qaramada Midoobey.

Dhanka koonfureed ee magaalada ayaa laga soo sheegaya in uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya xoogaga wax iska caabinta iyo Ciidamada Israel. Dagaalka ayaa gaar ahaan ka socdo bariga deegaanka Khan Yunis.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in laba askari ay kaga dhinteen dagaalka Khan Yunis, tani oo tirada guud ee askarta Gaza looga dilay ka dhigeysa 158 askari. Taliska ayaa magacyada askartan ku sheegay Elisha Yehonatan Lober oo 24 jir ahaa iyo Joseph Yosef Gitarts oo 25 jir ahaa.

Duqaymaha Ciidamada Israel iyo hawlgalkooda dhinaca dhulka ayaa waxaa ku dhintay 20,674, halka ay ku dhaawacmeen 54,536 kale, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza. Wasaaradda ayaa xaqiijisay in ay jiraan 7,000 oo qof oo lagu la’yahay duqaymaha, kuwaa oo la tuhunsan yahay in burburka dhismayaasha ay ku hoos jiraan.

Xilli Israel ay ku hanjabtay in hawlgalkeeda ay xoojin doonto ayaa waxaa jirta khatar dhab ah oo macquuleed, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey oo ka digtay in dadku ay gaajo ugu dhintaan magaalada, bacdamaa Tel Aviv ay hortaagan tahay gargaarka bani’aadantinimo ee sida weyn loogu baahan yahay.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ka badan nus milyan qof ay hadda halis ugu jiraan inay gaajo ugu dhintaan Magaalada Gaza.

Thomas White oo ka tirsan Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala magaaladaasi ayaa sheegay in bartamaha Gaza ay ku sugan yihiin dad lagu qiyaasay boqol iyo konton kun oo qof, kuwaa oo guryahoodii kaga soo barakacay amarka Militariga Israel ee ku aaddan in la banneeyo xaafado ay sheegeen inay beegsan doonaan.

Dadkan oo xaalad adag ay la soo deristay ayaa waxaa laga baqdin qabaa in Ciidamada Israel ay dhanka hawada ka duqeeyaan, maadaama aysan jirin meel ammaan ah oo ay ku nabadgeli karaan.

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA ayaa walaac xoogan ka muujiyay badqabka dadka rayidka ah.

Gemma Connell oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda OCHA ayaa Isniintii booqatay Magaalada Gaza, iyadoona Israel ku eedeysay in xasuuq ay ka gaysatay magaaladaasi.

Qoraal lagu daabacay bogga Hay’adda OCHA ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaalad aan caadi ahayn oo dhinac kastaba leh ay ka jirto magaalada, loona baahan yahay xabad joojin.

“Shaqa joojintan u dambeysay ee lagu hayo bulshada Gaza, waxay muujinaysaa keliya sababta aan ugu baahanahay xabad joojin.” Ayaa lagu yiri qoraalka OCHA.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu mar kale khadka teleefanka kula hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uuna u sheegay in aad loogu baahan yahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeynaya howlaha gargaarka.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynuhu uu muujiyay in ay lagama maarmaan tahay in dadku ay si nabdoon uga baxaan aagagga, isla-markaana ay tahay in Tel Aviv ay ogolaato in gargaar ku filan dadka la gaarsiiyo.

Xilli uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee la xiriira in Israel ay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka, isla-markaana ay ilaaliso dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha rayidka, haddana Tel Aviv ayaa ku adkeysaneysa inaanay dagaalka joojin doonin.

Wasaaradda Maaliyadda Israel ayaa saadaalisay in dagaalka uu socon doono illaa bisha February, isla-markaana ay u qoondeeyeen 14 bilyan oo dollar, waana ku dhawaad saddex jibaar khasaaraheeda miisaaniyadeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc