Home Wararka Maanta Kismaayo oo lagu soo bandhigay wiilal & hablo jirdilay nin dhallinyaro ah (SAWIRRO)

Kismaayo oo lagu soo bandhigay wiilal & hablo jirdilay nin dhallinyaro ah (SAWIRRO)

by Laacib

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan dhallinyaro isugu jira wiilal iyo gabdho oo jirdil kula kacay nin dhallinyaro ah, ka dibna muuqaal ay ka duubeen ku faafiyay barraha bulshada.

Ciidanka Booliska oo xalay hawlgal ka sameeyay xaafadda Midnimo ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta ku soo dhigay dhallinyaradaasi oo lix gaareysay (Afar wiil iyo laba gabdho).

Gabdhaha ayaa lagu eedeeyay inay hoygooda ku balamiyeen ninkaasi, xilli ay ugu sii diyaariyeen afartii wiil ee kale, si ay gacan uga siiyaan falkii ay la damacsanaayeen ninkaasi, ka dibna ay ka duubeen muuqaal jirdil ah.

Dhamme Shukri Faarax Ducaale oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in ciidamadu ay hadda gacanta ku hayaan dhallinyaradii falkaasi gaysatay.

“Waxaa Ciidanka Booliska Jubbaland Qaybta Gobolka Jubbada Hoose ay ku guuleysteen inay gacanta ku soo dhigaan gabdho iyo wiilal muuqaal ka duubaayay wiil Soomaaliyeed, ka dibna garaacayay, gurigoodiina ay ku balamiyeen, waxaana Ciidanka Booliska u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan eedeysaneyaashii oo kala ah laba gabdhood iyo afar wiil.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo Warbaainta kula hadlay Kismaayo.

Waxa kaloo uu yiri “Baaritaankaas iyo hawlgalkaas ayaa dhacay xalay abaare fiidkii, waxaana Ilaahay u suurtagaliyay Ciidanka Booliska in ay gacanta ku soo dhigaan gabdhihii gurigooda wiilka ku balamiyay, ka dibna u diyaariyay wiilal garaaco iyo iyagii oo gacanta ula tagey.”

Sarkaalkan ayaa sheegay in sharciga la horkeeni doono eedeysaneyaasha, si ay caddaaladda u wajahaan.

“Waxaa Ilaahay mahadiis ah in aan hadda gacanta ku hayno, waxaana la horgayn doonnaa maxkamadda, haddii Ilaahay idmo.” Ayuu yiri Dhamme Shukri Faarax Ducaale.

Waxa uu intaasi ku daray in dhallinyaradan ay falkaasi ku kaceen, ka dib markii ay barraha bulshada ka daawadeen gabdho kale oo sidaan oo kale u jirdilaya nin dhallinyaro, ka dibna muuqaalkii ay ka duubeen soo dhigay barraha bulshada.

“Ka dib waxaa dhacday in wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo reer Kismaayo ah ay ku dhiiradaan in wiil ay gurigooda ku balamiyaan, lagana duubo muuqaal oo barraha bulshada la dhigo.” Ayuu yiri Ducaale.

Ducaale ayaa dadka reer Kismaayo uga digay falalka ceynkani oo kale ah, isagoona sheegay in cid kasta oo lagu soo eedeeyo ay la tiigsan doonaan sharciga.

“Waxaan reer Kismaayo uga digaynaa fal xumada noocaas ah, ciddii lagu soo qabto ama lagu soo eedeeyo in sharciga la horgayn doono.” Ayuu yiri Ducaale.

Dhacdadan ayaa hadalhayn ka dhex dhalisay dadka adeegsada barraha internet-ka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc