Home Wararka Maanta Kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey oo lagu rasaaseeyay Gaza iyo QM oo cambaareysay

Kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey oo lagu rasaaseeyay Gaza iyo QM oo cambaareysay

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa Magaalada Gaza ku rasaaseeyay gaadiidka Qaramada Midoobey ee ku howlan gargaarka la gaarsiinayo dadka rayidka ah.

Gaadiidkan ayaa la weeraray, xilli ay ka soo laabteen waqooyiga Gaza, halkaas oo la sheegay inay geeyeen gargaarka aadka loogu baahan yahay.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gaadiidkooda oo watay calaamadaha Qaramada Midoobey ay weerarka la kulmeen, xilli ay adeegsanayeen waddooyinka loo cayimay inay mari karaan.

“Waxay ahayd koonfurta Gaza markii ay rasaastu dhacday.” Ayay tiri Juliette Touma, oo ah Afhayeenka Hay’adda UNRWA.

“Kolonyada gargaarka ayaa waxaa qorshahooda isku dubariday Militariga Israel, waxaana ku wargelinay waddooyinka ay fasaxeen inaan mari doono.” Ayay sii raacisay Juliette Touma.

Agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Thomas White oo qaylo dhaan ka muujiyay weerarka kolonyadooda ayaa ka digay in ay shaqaalahooda bartilmaameed noqdaan.

“Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay kolonyo gargaar ah, xilli ay ka soo laabteen waqooyiga Gaza, iyagoo marayay waddo ay u asteeyeen Ciidamada Israel.” Ayuu yiri Agaasimaha.

Waxa kaloo uu yiri “Hoggaamiyahayaga kolonyada caalamiga ah iyo kooxdiisa ma dhaawacmin, balse hal gaari ayaa waxyeelo soo gaartay.”

Thomas White oo ku sugan magaalada go’doonsan ee Gaza ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Shaqaalaha gargaarka waa in aysan weligood bartilmaameed noqon.”

Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada, Martin Griffiths ayaa cambaareeyay tallaabada lagu rasaaseeyay gawaarida gargaarka.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa dhacdo shalay dhacday oo kolonyo gargaar ah lagu rasaaseeyay, xilli ay ka soo safrayeen waqooyiga Gaza, kuna sii jeeday Rafah.” Ayuu yiri Martin Griffiths.

Griffiths ayaa intaasi ku daray “Kolonyada si cad ayaa loo calaamadeeyay, dhaqdhaqaaqoodana waxaa isku dubariday dhinacyada. Weerarada ka dhanka ah shaqaalaha bani’aadanimada waa sharci darro, colaadda waa in la joojiyaa.”

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa si weyn uga walaacsan xaaladda kaalmada bani’aadantinimo, oo ay ku sheegeen mid aad u xun, waana xilli Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ay toddobaadkii hore ansixiyeen qaraar ogolanaya in si mug leh oo nabdoon gargaarka lagu gaarsiiyo magaalada, welibana si degdeg ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc