Home Wararka Maanta Kolonyada gargaarka oo billo ka dib gaaray waqooyiga Gaza, ka dib qaylo dhaantii Qaramada Midoobey

Kolonyada gargaarka oo billo ka dib gaaray waqooyiga Gaza, ka dib qaylo dhaantii Qaramada Midoobey

by Laacib

Kolonyadii ugu horreysay oo gargaar sida ayaa xalay gaaray waqooyiga Gaza, xilli ay ka sii dareyso xaaladda nololeed ee dadka halkaasi ku nool.

Kolonyada gargarka oo ka soo gudbay isgoyska Rafah ee dhaca xadka Gaza iyo Masar ayaa gaaray waqooyiga Gaza, ka dib markii Qaramada Midoobey ay Sabtidii qaylo dhaan ka muujisay xaaladda bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta.

Muuqaal lagu baahiyay barraha bulshada ayaa muujinaya gaadiidka garagarka oo mugdiga ku dhex socda, bacdamaa ay Israel korontada ka jartay dhulkaasi go’doonsan, wax shidaal ahna aanu in ka badan 5 bilood gaarin.

Gaadiidkan oo sida sahay cunto ah ayaa tiradooda lagu sheegay illaa saddex iyo toban baabuur.

Ciidamada Israel ayaa marar badan toogasho ku dilay dad rayid ah oo waddooyinka Gaza ku sugayay gargaarka.

Baabuurtan ugu dambeysay ayaa noqonaya kuwoodii ugu horreyay ee gaara waqooyiga Gaza, iyadoo aanay wax toogasho ah dhicin.

Ciidamada Israel ayaa billo ka hor jaray gebi ahaanba gargaarkii bani’aadantinimo ee la gaynayay waqooyiga Gaza, taas oo sababtay xaalad gaar oo quus ah oo muddooyinkii ugu dambeysay ka jirtay jihada waqooyi ee Gaza.

Hay’adda Cunnada Adduunka (WFP) ayaa mar sii horreysay sheegtay in lagu khasbay inay joojiso howlihii naf badbaadinta ee waqooyiga Gaza.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini oo ka digay macluul galaafan karta nolosha dad fara-badan oo rayid ah ayaa codsaday in la badbaadiyo nolosha shacabka ku nool waqooyiga Gaza.

Gargaarkan ayaa la geeyay waqooyiga Gaza, saacado uun ka dib, markii Hay’adda UNRWA ay soo saartay warbixin ay kaga dardaar warineyso in xaalad aan la arag ay ka jirto waqooyiga Gaza.

UNRWA ayaa bayaan ku sheegtay in saddex meelood oo meel carruurta ay da’doodu ka yar tahay 2 sano ee ku nool waqooyiga Gaza ay hadda hayso nafaqo darro ba’an, waxayna ka digtay in dhallaankaasi ay u dhintaan cunto la’aan, haddii aanay Israel ogolaan kaalmada bani’aadantinimo ee aadka loogu baahan yahay.

Gargaarka hadda gaaray waqooyiga Gaza ayaa la sheegaya inaanu dabooli karin baahida weyn ee halkaasi ka jirto, balse uu noqon doono mid ay maalmo yar nafta ku sii ceshtaan dadka itaalka daran.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in ay halis gelinayaan nolosha 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc