Home Dhacdooyin Kontoroolada Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hawlgeliyay eeyda wax urisa

Kontoroolada Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hawlgeliyay eeyda wax urisa

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay howlaha sugidda amniga ee Magaalada Muqdisho ku soo kordhiyay eey ka qayb qaadaneysa dadaalada lagu xaqiijinayo amniga magaaladaasi, gaar ahaan barraha laga soo galo.

Taliska ayaa kontoroolada laga soo galo magaalada geeyay eeyo baara gaadiidka doonaya inay soo galaan Caasimadda Muqdisho, si looga hortaggo gaadiidka sida walxaha qarxa.

Taliska Booliska Soomaaliyeed iyo kan Gobolka Banaadir ayaa dhammaan kontoroolada laga soo galo magaalada ka hawlgeliyay Laanta Xayawaanka Afarta Adin (K9), oo ah qayb ka mid ah Ciidanka Miina Baarista Booliska.

Ciidankan ayaa loo aqoonsan yahay kuwo naftood hurreyaal ah, oo u taagan ka hortagga qaraxyada iyo badbaadinta nolosha dadka rayidka ah, waana ciidanka ka hawlgala meel kasta oo ay yaallaan haraadiga walxaha qarxa iyo goobaha kale ee miinooyinka la soo dhigo, iyagoo markaasi adeegsanaya eeyda wax urisa.

Ciidanka K9 waxay hadda kontoroolada magaalada ku baarayaan gawaarida gaarka loo leeyahay, kuwa dadweynaha iyo baabuurta kale ee xamuulka.

Laanta Xayawaanka Afarta Adin ayaa horey uga hawlgeli jirtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Dekedda Magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Dowladda Federaalka, sida Madaxtooyada Qaranka oo kale.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in hadda lagu guuleystay in eeyaha la geeyo kontoroolada laga soo galo magaalada.

“Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Taliska Qaybta Guud Booliska Gobolka Banaadir ayaa isla gartay in barraha amni ee magaalada laga soo galo la geeyo xayawaanka walxaha qarxa uriya ee eeyaha, waana lagu guuleystay.” Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka oo VOA la hadlay ayaa yiri “Hadda Magaalada Muqdisho inta kontorool ee laga soo galo waxaa ka shaqeeya Qaybta Miina Baarista Booliska, gaar ahaan K9.”

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray “Guud ahaan kontoroolada laga soo galo magaalada waxaa jooga K9, oo har iyo habeen u taagan inay baabuur walba oo soo gelaya ay baaraan.”

Ciidanka Qaybta K9 waa kuwa burburiya haraadiga walxaha qarxa, isla-markaana loo adeegsado ka hortagga iyo furfuridda qaraxyada. Qaraxyada ayaa loo arkaa inay door weyn ka qaataan dhibaatada amni ee maanta ka jirta dalka.

Hay’adda Miina Baarista Qaramada Midoobey ee UNMAS ayaa 31-kii bishii ina dhaaftay ee May sheegtay in intii u dhaxeysay April 2021 illaa March 2024 ay tababartay, isla-markaana ay qalabeysay 21 kooxood oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo awood u leh bay tiri inay si firfircoon uga jawaabaan khataraha qaraxyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc