Home Wararka Maanta Koonfur Galbeed oo si kulul uga hadashay dagaalka Baraawe iyo xiisadda ka taagan

Koonfur Galbeed oo si kulul uga hadashay dagaalka Baraawe iyo xiisadda ka taagan

by Laacib

Wasiirka Caddaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay dagaalka culus ee shalay galab illaa xalay ka socday Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose iyo xiisadda weli ka taagan magaaladaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, iyadoona uu dagaalku gaystay khasaare nafeed oo labada dhinac ah.

Wasiirka Caddaaladda oo ay garbihiisa taagnaayeen Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dhacdadaasi ka dambeeyeen ciidan uu sheegay inay sheeganayaan in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka.

“Runtii aad ayaan uga xunahay, waana ka tacsiyadeynaynaa dhacdadii foosha xumeyd ee shalay ka dhacday Baraawe, dhacdadaas oo ay gaysteen ciidamo isku sheegaya inay yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaa oo runtii weerar ku qaaday Gurigii Madaxtooyada. Sidaad la socotaan Baraawe waxaa ku taala Madaxtooyadii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waana Caasimaddii Koonfur Galbeed.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Dadka shacabka ah, haddii aan warbixin yar ka siino ciidankaasi waxa ay ahaayeen iyo meesha ay weerareen. Meesha la weeraray horta waa Madaxtooyadii Koonfur Galbeed, ciidankana sida aad ogtihiin waxaa jira dad labiska iska qaato oo markii la is wareystay ay sheeganayaan inay yihiin Ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida lagu ogaa Ciidanka Xoogga Dalka, shaqadoodana ay ahayd inay dadka shacabka ah badbaadiyaan ee ma ahayn inay shacabka ku soo laabtaan.”

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamadaas saakay waxay sameeyeen inay qabsadaan Garoonkii Diyaaradaha Baraawe ee ummadda u adeegayay, ee ahaa isha keliya ee Baraawe u furneyd. Baabuur ayay ku gooyeen garoonka dhexdiisa, waxayna sheegeen inaysan cidina ka soo dagi karin, xitaa waxay diideen dadkii dagaalka ku dhaawacmay in gurmad loo sameeyo oo laga qaado.”

Wasiirka ayaa tilmaamay in tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay magaalo xeebeedkaasi ay xiriiro la sameynayeen Madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, si xiisadda loo dejiyo.

Wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay inay is dejiyaan, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedna aysan ka aamusi doonin waxa ka dhacay Baraawe.

Wasiirka ayaa sidoo kale Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ugu baaqay inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan dhacdadaasi.

“Waxaan rabnaa inaan halkan ka jeedino laba qodob oo baaq ah. Dadweynaha waxaan leenahay is dejiya, dowladdiina ayaa idin maqan, Dowladda Koonfur Galbeedna ma noqon doonto mid iska aamusto, wixii meesha ka dhacayna waxay noqon doonaan wax la iska la xisaabtamo, haddii Ilaahay yiraahdo. Baaqa kale waxaan halkan uga jeedinaynaa Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada iyo Taliyeyaasha Ciidamada guud ahaan, waxaana leenahay sida ugu dhakhsiyaha badan wax uga qabta, maadaama meesha la weeraray ay tahay meel Madaxtooyo ah, oo la mid ah in la weeraray Madaxweynihii Koonfur Galbeed, haddiiba dadkaas ay yihiin militari, sida ayagu sheegteen, kana muuqdo tuutaha ay wateen in Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Taliska Ciidamada ay si degdeg ah arrintaasi jawaab uga bixiyaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa baaqiisa ku xoojiyay in si degdeg ahi dib loogu furo Garoonka Diyaaradaha Baraawe, oo la doonayo sida uu yiri in laga qaado dadkii ku dhaawacmay dagaalka.

Dhanka kale Wasiirka ayaa wax aan horey loo arag ku sheegay in Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo ka masuul ahaa amniga garoonkaasi iyo inay ka hortaggaan mar kasta oo xaalad khatar ahi soo wajahdo Xarunta Madaxtooyada ay ka gaabiyeen masuuliyaddii loo igmaday.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in dhaawacyo ay Ciidanka ATMIS ku qaadeen gaadiidkooda laga la degay, kuwaa oo sida uu sheegay la dhaawactiray oo la laayay.

Marka laga soo taggo eedeynta uu Wasiirku u jeediyay Ciidamada Militariga, haddana dagaalka ayaa la fahamsan yahay inuu yimid, ka dib markii askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta uu dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka.

Taliyaha Ururka 25aad, Guutada 6aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale (Xarago) ayaa sheegay in Daraawiishta Koonfur Galbeed ay tahay in lagu la xisaabtamo gacanqaadka ay ku horreyeen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen, inta la ogyahay 10 askari oo labada ciidan ah.

Si kastaba ha-ahaatee dagaalkan ayaa walaac dhanka amniga ah ku abuuray dadka deegaanka, kuwaa oo qaarkood bilaabay in ay guryahooda isaga barakacaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc