Home Wararka Maanta Koonfur Galbeed oo xaasaska iyo dhallaanka Shabaab ka saareysa Baraawe

Koonfur Galbeed oo xaasaska iyo dhallaanka Shabaab ka saareysa Baraawe

by Laacib

Koonfur Galbeed ayaa shaacisay in xaasaska iyo carruurta maleeshiyada Al Shabaab laga saarayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed ayaa ugu yeeray xaasaska iyo carruurta maleeshiyadaasi in ay isaga baxaan degmadaasi.

Wasiirka oo Talaadadii gaaray Baraawe ayaa sheegaya inaanan la aqbali doonin in Shabaabku ay dhibaateeyaan dadka deegaanka, isla-markaana ay qoysaskoodu joogaan magaalada.

Wasiirka ayaa tilmaamay in uu socdo qorshe xaasaska iyo carruurta Al Shabaab lagaga saarayo Magaalooyinka Koonfur Galbeed, xilligan oo sida uu sheegay uu heer geba-gabo ah marayo u diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Wasiirka ayaa maamulada degmooyinka faray in ay iyana u diyaargaroobaan wejiga labaad ee hawlgalka. Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa xusay in muddada uu ku sugan yahay Baraawe inuu la kulmi doono Saraakiisha Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Xoogga Dalka.

Baraawe waa Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, walow maamulku uu hadda si ku-meel-gaar ah ugu shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Baraawe ayaa mar ahayd xaruntii ugu weyneyd ee Al Shabaab, iyadoona dagaal looga saaray 5-tii bishii October ee sanadkii 2014.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc