Home Wararka Maanta Kooxaha burcad badeedda oo soo cusbooneysiiyay weeraradooda

Kooxaha burcad badeedda oo soo cusbooneysiiyay weeraradooda

by Laacib

14-kii bishan markab nooca xamuulka oo watay Calanka Malta, laguna magacaabo MV RUEN ayaa laga afduubay meel u dhow Badda Carabta, waxaana loola soo dhaqaaqay dhanka Xeebaha Somaliya. Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in markabkan ganacsi ay kooxaha burcad badeedda ka soo afduubteen meel u dhow Jasiiradda Socotra ee dalka Yemen, oo qiyaastii 240km u jirta Xeebaha Somaliya.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain ayaa Jimcihii sheegtay in markab kale oo nooca yaryar ah lagu afduubtay Xeebaha Somaliya.

Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in kooxaha burcadeeda ay dib u soo celiyeen weeraradoodii maraakiibta.

“Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxaa soo rogaalceliyay fal dembiyeedyadii burcad badeedu ay ku weerarayeen marin biyoodka ee Gacanka Cadmeed iyo marin biyoodka Indian Ocean oo dhanka Xeebaha Puntland oo dhirarkoodu yahay 1600km inay dadka iska abaabuleen.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in markabka laga leeyahay Malta oo ay la socdaan 18 shaqaale ay hadda kooxaha burcad badeedda ku haystaan meel u dhow deegaanka Bayla oo lagu magacaabo Durdura. Durdura ayaa qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan Magaalada Boosaaso.

“Tan iyo intii uu markabkaasi soo galay biyaha Somaliya, waxaanu xaaladdiisa ula soconay si dhow, waxaana iska kaashaneynay Ciidamada Caalamiga ee Ilaalada Xeebaha, oo marka ay xaaladahan oo kale soo kordhaan aanu si dhow uga wada soconay.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo VOA la hadlay ayaa yiri “Marka markabkii weli gacanta burcadda ayuu ku jiraa, dhanka barriga iyo dhanka baddaba waxaanu ka saarnay culeys go’doomin ah, waxaana rajeynaynaa sida ugu fudud ee dadkaasi loo badbaadin karo, markabkaasna gacanta burcadda looga saari karo in aanu u marno waddadeeda, hadday ka fursan weydana in hawlgal lagu fuliyana, ka Puntland ahaan diyaar baan u nahay.”

Wasiirka ayaa sheegay in kooxda weerarkan gaysatay oo gaareysa 18 nin ay isugu jiraan haraadiga burcad badeedda iyo kuwa cusub oo ku biiray.

“Burcaddu 18 qof weeye nimanka markabka ugu tegay Badweynta Hindiya. Marka hore doon Iran ayay ka qabsadeen dhanka xeebta Qandala, iyagoo warkooda la hayo ayay markabkaasi ka soo qabsadeen biyaha caalamiga ah.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi raaciyay “Runtii waa rag caadeystayaal ah oo burcaddii hore haraagii ka haray ah iyo rag cusub oo hadda fal dembiyeedkan ugu dambeeyay qayb ka noqday.”

Mar la weydiiyay waxa ay burcad badeeddu dalbaneyso ayaa sheegay illaa iyo hadda inaysan kala caddeyn, waxa ay kooxahaasi madax furasho ahaan uga doonayaan shirkadda iska leh markabkaasi.

Axmed Yaasiin Saalax, Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda Puntland ayaa dhanka kale xaqiijiyay in ay jirto dooni ay kooxaha burcad badeedda ka afduubteen meel u dhow xeebta Degmada Eyl, taas oo uu leeyahay ganacsade Soomaaliyeed, isla-markaana ka diiwaan-gashan Puntland.

Wasiirka ayaa xusay in burcad badeeddu ay damacsan tahay in doonidaasi ay weerar kaga gaystaan biyaha caalamiga ah, si ay markab ugu soo qabsadaan.

Soo rogaalcelinta burcad badeedda Soomaalida ayaa kordhisay baqdinta laga qabo in burcad badeedda ay mar kale dhaqdhaqaaq sameeyaan, xilli muddo laga joogo toban sano ay carqaladeeyeen isu socodka maraakiibta ee biyaha caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc