Home Wararka Maanta Kooxo hubeysan oo dad ku laayay deegaan hoostagga Dhuusamareeb

Kooxo hubeysan oo dad ku laayay deegaan hoostagga Dhuusamareeb

by Laacib

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay afar nin oo dhallinyaro ahaa ku dileen gobolkaasi.

Kooxahan ayaa dilka ka gaystay deegaanka Faragooy oo qiyaastii 20km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ayaa sheegaya in kooxahaasi oo ka yimid dhinaca deegaanka Ceelgaras ay dhallinyarada ku dileen goob ay ku caweynayeen. Ceelgaras ayaa ku taala waddada xiriirisa Magaalooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxihii dilka gaystay ay dib ugu laabteen dhinaca deegaanka Ceelgaras.

Afarta nin ee aan hubeysnayn ee la dilay ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Magaalada Dhuusamareeb.

Ma cadda waxa uu salka ku hayo dilka raggaasi, balse dadka deegaanka ayaa tuhunsan in dilkooda uu la xiriiro aanooyinka xagga beelaha.

Dilalka aanooyinka qabaa’ilada ayaa si xoog leh uga soo cusboonaaday Gobolka Galgaduud, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii August u gobolkaasi uga dhawaaqay guluf militari oo ka dhan ah maleeshiyada Al Shabaab.

Dowladda Federaalka iyo Madaxda Galmudug ayaa horaan beelaha deegaanka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan colaad ay dhexdooda ka hurinayaan Shabaab.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dhuusamareeb, Nuur Cilmi Maxamed ayaa mar sii horreysay sheegay in dilalka ku soo badanaya gobolka ay kooxaha argagixisada ku curyaaminayaan hawlgalada ka socda Galmudug ee la doonayo in lagu soo afjaro joogitaankoodii Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc