Home Wararka Maanta Korneyl Cismaan Maxamed Jeelle oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho

Korneyl Cismaan Maxamed Jeelle oo aas qaran loogu sameeyay Muqdisho

by Laacib

Allaha u naxariistee waxaa maanta aas qaran Magaalada Muqdisho loogu sameeyay Gaashaanle Sare Cismaan Maxamed Jeelle, oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Dowladdii Dhexe ee Militariga.

Marxuumka oo 18-kii bishan ku geeriyooday dalka Australia ayaa waxaa maanta meydkiisa laga soo dejiyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo Salaadda Janaasada ay kula tukadeen Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Dowlad Goboleedyada qaarkood iyo masuuliyiin kale, oo ay ka mid yihiin kuwo horey dalka xilalka kala duwan uga soo qabtay.

Madaxda Qaranka ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, samir iyo iimaana uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabkii Soomaaliyed ee uu ka baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in marxuumku uu door ka soo qaatay dowlad dhiska Somaliya, isagoo soo noqday Wasiir, Duqa Muqdisho iyo Ergay Madaxweyne, kuwaas oo dhammaantood uu ugu soo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa Soomaaliyeed.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Korneyl Jeelle uu ahaa siyaasi wax badan u soo qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii ay soo idlaatay Salaadda Janaasada, waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isagoona Alle uga baryay samir iyo iimaan, marxuumkana uu ka waraabiyo Jannatul Firdows.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc