Home Wararka Caalamka Ku dhawaad 5 milyan oo Yemeniyiin ah oo barakac uga maqan guryahooda

Ku dhawaad 5 milyan oo Yemeniyiin ah oo barakac uga maqan guryahooda

by Laacib

In ka badan 4.5 milyan oo dadka reer Yemen ah ayaa weli barakac uga maqan guryahooda, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee OCHA.

Dadkan ayaa ku barakacay dagaalo sanado badan ka socday dalkaasi, kuwaa oo aan wax fursad ah u helin, sidii ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen.

Edem Wosornu, Agaasimaha Waaxda Hawlgalada & Qareenada ee Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ayaa ku baaqday in Beesha Caalamka ay sii waddo kaalmada la siiyo dadka reer Yemen.

“Waxaan ku boorinaya Beesha Caalamka inay sii wadaan in ay si deeqsinimo ah wax u siiyaan dadka Yemen, si looga taageero inay noloshooda si sharaf leh u dhistaan.” Ayay Edem Wosornu ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay goor dambe oo Axaddii ah.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sanadkan ay kala bar 18 milyan oo qof oo reer Yemen ah ay u baahan doonaan gargaar bani’aadantinimo iyo adeegyo ilaalin gudaha ah.

Kaalmada caalamiga ah ayaa muhiim u ah nolosha in ka badan sideed milyan oo qof, kuwaa oo shan milyan oo ka mida ay yihiin carruur la ildaran nafaqo darro.

Dalkan Carbeed ayaa waxaa muddo sideed sano ah ka socday dagaal sokeeye, ka dib markii Xoogaga Xuuthiyiinta ay qabsadeen inta badan magaalooyinka dalkaasi, oo ay ku jirto Caasimadda Sanca, tanina waxay dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ku khasabtay inay xarun ku-meel-gaar ah ka sameysato magaalo xeebeedka Cadan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc