Home Wararka Maanta Kulamadii Golaha Shacabka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyay + SAWIRRO

Kulamadii Golaha Shacabka oo si ku-meel-gaar ah loo hakiyay + SAWIRRO

by Laacib

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ee golahaasi ayaa maanta isku raacay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyo kulamadii golaha, inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka iyo fasaxa ciidda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 23aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, oo ajandihiisu ahaa hakinta fadhiyada Golaha Shacabka, inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka, fasaxa ciidda iyo ajandeynta warbixinada la xisaabtanka xukuumadda.

Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka, laga bilaabo maalinta Sabtida oo taariikhdu ku beegan tahay 17-ka bishan June illaa 5-ta bisha July, markaas oo kulamadii golaha ay dib u bilaaban doonaan.

Habdhowraha Golaha Shacabka, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa sheegay in sababta loo hakinayo kulamadii golaha ay la xiriirto, iyadoo ay waajibaadka Xajka gudanayaan Xildhibaano badan oo golaha ka tirsan.

Kulanka ayaa soo kale looga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab-xirka miisaaniyadda, ugu dambayn 30-ka bishan, si waafaqsan qodobka 102aad, faqradda 1aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

“Intaa fasaxa lagu jiro waxaan filaynaa inay soo gudbin doonto xukuumadda xisaab-xirkii miisaaniyadda sanadka. 5-ta bisha Luulyo oo ku aaddan maalin Arbaco ah waxaa bilaaban doona kulanka golaha, kaas oo ay sii socon doonaan ajandayaasha u yaala golaha. Ajandayaashii golaha horey ugu yaalay ayaa si isku dhaf ah u bilaaban doona, inta ka horeysana waxaan rajeynaynaa inay xukuumaddu soo gudbin doonto xisaab-xirka laga sugayo, waqtigiisa inay ku soo gudbiyaan.” Ayuu yiri Habdhowraha Golaha Shacabka oo Warbaahinta la hadlay.

Tani ayaa waxay ku soo aadaysaa, xilli Xildhibaanadu ay Arbacadii shalay dood xasaasi ah ka yeesheen xiisadda ka soo korortay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoona Xildhibaanadu aad moodeysay inay la kala safteen Ciidankii Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ee Isniintii ku dagaalamay magaalo xeebeedkaasi Baraawe.

Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kulankii shalay shir guddoominayay ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay is dejiyaan. Gudoomiyaha ayaa Xildhibaanada u sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay guddi xaqiiqo raadin ah ugu diri doonaan magaaladaasi.

29-kii bishii May ayay ahayd, markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka soo laabteen fasaxoodii dhexe oo laba bilood ahaa, iyadoona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilligaasi Xarunta Villa Hargeisa ee Magaalada Muqdisho ka furay Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc