Home Wararka Maanta Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo isha lagu hayo

Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe oo isha lagu hayo

by Laacib

Waxaa isa soo taraya wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo in uu qaabilo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo haatan saldhig ka sameystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka wada kulamo la xiriira wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, oo qorshuhu yahay in lagaga saaro deegaanada ay ka maamulaan Galmudug iyo Hirshabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu daneynayo in uu la kulmo Hoggaanka Ahlu Sunna, oo muddooyinkii ugu dambeysay uu saldhigoodu ahaa deegaanka Bohol, oo qiyaastii 25km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb.

Dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ayaa muddooyinkii ugu dambeysay u muuqday kuwo isu soo dhaweynaya, iyadoo ayna wada hadalo hoose u socdeen.

Madaxweynaha ayuu ujeedkiisu yahay in Xoogaga Ahlu Sunna ay ka qayb qaataan hawlgalkan, qorshahaas oo dhowrkii bilood ee ugu dambeysay soo socday.

Xoogaga deegaanka ee dhawaan lagu soo bandhigay Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Wisil ayaa waxaa qayb ka ah Xertii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe, kuwaa oo qaarkood la fahamsan yahay in ayba Dowladda Federaalka hubeysay.

Sidoo kale xoogaga kale ee deegaanka ee xilligan lagu diyaarinayo Degmada Baxdo ayaa waxaa si weyn uga dhex muuqda Xerta Ahlu Sunna, kuwaa oo u diyaargaroobaya gulufka lagu xoreynayo deegaanada hoostagga degmadaasi iyo weliba Magaalooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur.

Xerta Baxdo iyo Wisil oo ka tirsanaa Xoogagii Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee kala ambaday, ka dib markii Maamulkii Ahlu Sunnada Galmudug siyaasad ahaan meesha laga saaray ayaa xilligaasi bilaabay in ay dib ugu laabtaan labadaasi magaalo oo ay ka soo jeedaan, waana Xerta Ahlu Sunna oo qayb ka noqotay qorshihii ay ciidamadu ku fashiliyeen weeraradii kala dambeeyay, ee ay Shabaabku doonayeen in ay kula wareegaan Wisil, Baxdo iyo Qaayib.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garowsan in Xoogaga Ahlu Sunna oo mar ahaa cudud ka jirta Gobolada Dhexe ay muhiim u yihiin dagaalka ay dowladdiisu kula jirto kooxaha argagixisada.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya in Hoggaanka Ahlu Sunna uu ku qancin doono in marka hore ay gacan ka gaystaan dagaalka bartamaha dalka looga suulinayo Al Shabaab, wixii kale ee ku aaddan damacooda siyaasiga ahna ay isaga iman doonaan, kolka dalka laga xoreeyo cadowga keliya ee muuqdo, ee ay maanta dadka Soomaaliyeed leeyihiin waa Shabaab’e.

Madaxweynaha ayaase la sheegaya in Madaxda Maamulkii Ahlu Sunna uu u muujin doono xaqa ay u leeyihiin ka qaybgalka doorashada xigta ee Galmudug.

Hoggaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo horey u soo noqday Madaxii Xukuumadda Galmudug iyo Saraakiisha kale ee Ahlu Sunna ayaa hadda dhawraya in uun uu Madaxweynuhu u yeero.

Ma cadda goorta ay labada dhinac kulmi doonaan, balse kulankan ayaa la sheegay in uu qabsoomi doono, muddada uu Madaxweynuhu ku sugan yahay deegaanada Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa mar sii horreysay sheegay in uu wada hadal u socdo iyaga iyo Villa Somalia, isla-markaana ay ka qayb qaadan doonaan hawlgalka laga sameynayo Galmudug oo fure u noqon doono qorshaha dib-u-xoreynta dalka.

Siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah in cid kasta oo ku habboon uu iskaashi kala sameeyo dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab.

Al Shabaab waxaa lagu tilmaamaa caqabadda ugu weyn ee maanta horgudban amniga dalka. Horaan Pentagon-ka Mareykanka ayaa ku tilmaamay in ay yihiin khatarta ugu weyn ee xilligan ka jirta Afrika.

Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Galmudug ee u dhuun duleela arrimaha siyaasadda ayaa isha ku haya kulanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Hoggaanka Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc