Home Wararka Maanta Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Muqdisho oo buuq ku soo dhammaaday

Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Muqdisho oo buuq ku soo dhammaaday

by Laacib

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan uu hareeyay buuq, ka dib markii Xildhibaanada ay ku kala qaybsameyn in su’aalo lagu weydiiyo kulankaasi oo loogu yeeray Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe).

Ajandaha kulanka ayaa ahaa su’aalo weydiinta Wasiirka, oo ay u yeereen Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka, tani oo qayb ka ah la xisaabtanka xukuumadda.

Xildhibaanada ka horyimid su’aalo weydiinta Wasiirka ayaa ku dooday in ajandaha kulanka uu baalmarsan yahay Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka, ayna ahayd in marka hore Wasiirka la horgeeyo Guddiga Amniga ee golaha, ka hor inta aan si toos ah loogu yeerin kulanweynaha golaha ee la doonayo in su’aalaha lagu weydiiyo.

Xildhibaanada ayaa bilowgiiba Guddoonka Golaha Shacabka u gudbiyay Mooshin ay ku saxiixan yihiin toboneeyo Xildhibaan, oo guddoonka lagaga dalbanayay in ajandaha kulanka maanta lagu soo daro Mooshin ku aaddan la xisaabtanka iyo habsami u socodka ee howlaha golaha.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo golaha ka hor akhriyay magacyada illaa 30 Xildhibaan oo mooshinkaasi ku saxiixnaa ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in maamulka golaha lagu soo celiyo buu yiri u hoggansanka dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo shir guddoominayay kulanka ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay cod u qaadaan Mooshinka, haddii ajandaha kulanka lagu darayo soo jeedinta Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay iyo haddii kaleba, taas oo dabka ku sii shidday buuqii golaha ka taagnaa, ka dib markii Xildhibaanada qaybtood ay ka horyimaadeen cod u qaadista mooshinkaasi.

“Xildhibaano diidayo in cod la qaado weligay ma arkin. Xildhibaanada sharafta leh dhowr jeer ayaan idiin la hadlay, haddaadan sharciga u hoggaansameynin, awaamiirtii guddoonkana u hoggaansameynin oo aad is leedihiin muran iyo fowdo ayaan meesha ku taagnaanaynaa, nidaam Xildhibaan ma ahan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo si carro leh ula hadlayay Xildhibaanada ka horyimid in codka la geliyo Mooshinka.

Kulanka ayaa ugu dambayn ku soo idlaaday buuq iyo fowdo, ka gadaal markii Xildhibaanada ay u codeeyeen in ajandaha kulanka dib loo dhigo.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaana ku dhawaaqay in ajandaha kulanka ay dib u dhiganayaan, loogana hadli doono kulanka xigga ee golaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc