Home Wararka Maanta Kumaandooska Danab oo hawlgalo ka sameeyay Waqooyiga Galcad (SAWIRRO)

Kumaandooska Danab oo hawlgalo ka sameeyay Waqooyiga Galcad (SAWIRRO)

by Laacib

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa maanta hawlgalo ka bilaabay deegaanada dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Kumaandooska Danab ayaa gudaha u galay deegaanada kala ah Ceel Timir iyo Ceel Xaaji, waana xilli ay ciidamadu isu diyaarinayaan wejiga labaad ee hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Saraakiisha Danab ayaa la arkayay, iyagoo su’aalo weydiinaya dadka halkaasi ku dhaqan, oo muddo ka badan toban sano markii ugu horreysay horaantii sanadkan laga dulqaaday maleeshiyada Shabaabka, oo muddo dheer si baad ah kaga qaadanayay waxa xoolo iyo duunyaba ay haystaan.

Shabaabka ayaa lagu eedeeyaa in dadka ku dhaqan deegaanada miyiga ay bil walba ka qaadaan waxa ay ku sheegeen Zakaawaatka, taas oo baalmarsan Jakada uu Alle sanadkiiba mar ku waajib yeelay addoomadiisa.

Taliye Kuxiggeenka Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Gaashanle Caydaruus Maxamed Xuseen ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in taasi bedelkeeda ay Ciidamada Qalabka Sida u taagan yihiin inay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wejigii hore ee hawlgalka kula wareegay gacan ku haynta Degmooyinka Galcad iyo Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaa wejiga labaadna uu qorshuhu yahay inay ku xoreeyaan Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ee bariga gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc