Home Wararka Maanta Kusimaha Raysal Wasaaraha oo furay Carwada Buugaagta Muqdisho (SAWIRRO)

Kusimaha Raysal Wasaaraha oo furay Carwada Buugaagta Muqdisho (SAWIRRO)

by Laacib

Kusimaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

Bandhiggan oo ah kiisii 7aad ayaa waxaa ka soo qaybgalay aqoonyahanno, macalimiin, arday, qorayaal iyo akhristayaal ka kala yimid dal iyo dibadba.

Saalax Axmed Jaamac, Kusimaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa sheegay muhiimadda akhriska iyo qoraalku u leeyihiin dalalka soo koraya, isaga oo sheegay in jidka keliya ee horumar lagu gaari karo uu yahay wax akhrista iyo qoraalka.

“Xadaarad iyo horumar kasta oo ummadi gaarto, waxay ku xiran tahay akhriska iyo qoraalka dadkooda.” Ayuu yiri Kusimaha Raysal Wasaaraha ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka.

Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa tibaaxay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah siineyso dhiirigelinta akhriska iyo qoraalka, isagoo dhanka kalena u mahadceliyay masuuliyiinta iyo qaban-qaabiyeyaasha Carwada Buugaagta ee Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc