Home Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo war la yaab leh ka soo saartay askarigii Mareykanka ee isu soo dhiibay dalkaasi

Kuuriyada Waqooyi oo war la yaab leh ka soo saartay askarigii Mareykanka ee isu soo dhiibay dalkaasi

by Laacib

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in askarigii Mareykanka ahaa ee bishii hore gacanta ku dhigtay uu doonayay inuu magangelyo raadsado.

War Arbacadan ay baahisay Warbaahinta afka dowladda ku hadasho ayaa lagu sheegay in Travis King uu u careysan yahay Ciidamada Mareykanka ee ka hawlgala Koonfurta Kuuriya.

Warbaahintu waxay sheegtay in 23 jirkan uu doonayo inuu dib u dejin ka helo dalkaasi amaba dal kaloo saddexaad.

Sida ay Warbaahintu sheegtay Travis King ayaa ka cabanaya in si bani’aadantinimada ka baxsan loola dhaqmay, isla-markaana lagu takooray Ciidamada Mareykanka dhexdiisa.

Travis King ayaa la sheegaya inaanu doonayn in uu dib ugu laabto dalka Mareykanka.

Askarigan ayaa 18-kii bishii July ka tallaabay xadka labada Kuuriya, xilli kormeer rayid ah lagu marayay aagga militariga ka caagan ee u dhaxeeya labadaasi dal.

Saraakiisha Mareykanka ayaa mar sii horreysay sheegay in ninkan uu si bareer ah uga gudbay aagga Qaramada Midoobey maamusho ee loo garan ogyahay goobta militariga ka caagan.

Saraakiisha Mareykanka ayaa askarigan ku eedeynaya in xitaa uu diidan yahay in uu yahay maxbuus dagaal.

Pyongyang ayaan wax la yaab leh u arag in ninkan uu si ku talagal ah uga soo gudbo Zone-ka sida weyn loo ilaaliyo, marka aad eegto in ciil iyo carro badan uu u qabo Militariga Mareykanka.

Inkastoo Warbaahinta Waqooyiga Kuuriya ay sheegtay in Travis King uu si sharci darro ah dalka ku soo galay, haddana waxay qiil uga dhigeysaa in uu magangelyo-doon yahay, isla-markaana uu rabitaankiisu yahay in dalkaasi uu sii joogo amaba haddii la heli karo dal kale oo saddexaad.

Askarigan oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh Kuuriyada Koonfureed ayaa la sheegay in xabsi muddo laba bilood ah uu ku qaatay dalkaasi, ka hor inta aan xabsiga laga sii deyn 10-kii July, kaas oo toddobaad ka dib sii deysmadiisii go’aansaday inuu maciin-bido dalka ay sida weyn Mareykanka isu hayaan ee Kuuriyada Waqooyi.

Travis King oo loo haysto eedeymo la xiriira weerar ayaa lagu waday in uu dib ugu laabto dalka Mareykanka, si uu halkaasi ugu wajaho dacwad edbin ah, balse uu si la yaab leh ugu kacay falkan uu isugu dhiibay Pyongyang.

King ayaa tan iyo bishii January ee sanadkii 2021 ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka, waxaana lagu tilmaamaa askari ku wanaagsan dhanka sahanka.

Baareyaasha Kuuriyada Waqooyi ma muujin in ninkani uu wax khatar ahi ku yahay dalkaasi.

Warkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee warbaahineed ee Pyongyang ka soo saarto xaaladda askarigaasi, oo hadalhayn badan ka abuuray gudaha Mareykanka iyo weliba Gacanka Kuuriya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc