Home Wararka Caalamka Kuuriyada Waqooyi oo xaqiijisay inay gacanta ku hayso askariga uu Mareykanku la’yahay

Kuuriyada Waqooyi oo xaqiijisay inay gacanta ku hayso askariga uu Mareykanku la’yahay

by Laacib

Kuuriyada Waqooyi ayaa xaqiijisay inay gacanta ku hayso askariga u dhashay dalka Mareykanka ee bishii hore ka soo tallaabay xadkeeda.

Taliska Qaramada Midoobey ee ilaaliya aagga militariga ka caagan ee u dhaxeeya labada Kuuriya ayaa sheegay in Pyongyang ay u xaqiijisay inay gacanta ku hayso Travis King.

Taliska Qaramada Midoobey ayaa sheegay inay tani tahay farriintii ugu horreysay ee ka timid dowladda dalkaasi, tan iyo markii askarigaasi uu 18-kii bishii July ka tallaabay xadka, lana waayay.

Ka dib dhacdadaasi Taliska Qaramada Midoobey oo xiriiro la sameynayay Pyongyang ayaan wax jawaab ah ka helin, tanina ay tahay markeedii ugu horreysay oo codsigoodii ay ka soo jawaabto.

Mareykanka ayaa hadda wada dadaalo uu ku doonayo in askarigaasi looga soo sii daayo Maamulka Kim Jong-un, balse Qaramada Midoobey ayaa sheegeysa inaanay doonayn in ay arrintaasi fara-geliso.

Askarigan oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed ayaa ka gudbay xadka sida adag loo ilaaliyo ee labada Kuuriya.

Travis King oo socod ku marayay aagga Qaramada Midoobey maamusho ee loo garan ogyahay goobta militariga ka caagan ayaa la sheegay in uu si bareer ah ugu tallaabay dhinaca Kuuriyada Waqooyi, tani oo jahwareer ka abuurtay Gacanka Kuuriya iyo gudaha dalka Mareykanka, iyadoona ay dad badani is weydiinayaan sababta uu ficilkaasi ugu kacay, isaga oo welibana si wanaagsan u garanaya soodinta xasaasiga ah ee kala xadeysa labadaasi dal.

Waxaa la sheegay in uu xabsi muddo laba bilood ah ku qaatay dalka Koonfurta Kuuriya, ka hor inta aan xabsiga laga sii deyn 10-kii July.

23 jirkan oo loo haysto eedeymo la xiriira weerar ayaa lagu waday in uu dib ugu laabto dalka Mareykanka, si uu halkaasi ugu wajaho dacwad edbin ah, balse uu si la yaab leh ugu kacay falkan uu gudaha ugu galay Kuuriyada Waqooyi.

Travis King ayaa tan iyo bishii January ee sanadkii 2021 ka tirsanaa Ciidamada Mareykanka, waana askari dhanka sahanka ku wanaagsan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc