Home Wararka Caalamka La hayste ka waramay halista ay ugu jiraan inay ku baxaan gacanta Israel

La hayste ka waramay halista ay ugu jiraan inay ku baxaan gacanta Israel

by Laacib

Maalin uun ka dib, markii Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu uu ku celiyay hanjabaaddiisii ahayd inaanay dagaalka joojin doonin, Ururka Islamic Jihaad ee Falastiiniyiinta ayaa soo bandhigay la hayste Israeli ah oo codsanaya in Tel Aviv ay joojiso weeraradeeda naxariis darrada ah.

Raysal Wasaaraha ayaa ku goodiyay in duulaanka Israel ee Gaza aanu joogsan doonin, illaa iyo inta laga gaarayo saddexda ujeeddo ee laga leeyahay.

“Ma joojin doono dagaalka, illaa guul laga gaaro, waa inaanan dagaalka la joojin, illaa aan ka guul gaarno yoolkiisa ah ciribtirka Xamaas, soo celinta dhammaan la haysteyaasha iyo hubinta inaysan Gaza mar dambe khatar ku ahayn Israel.” Ayuu yiri Netanyahu.

Garabka Militariga Islamic Jihaad ee Al-Qudus ayaa baahiyay muuqaal uu ka soo muuqday maxbuus lagu magacaabo Elad Katzir, kaas oo ka hadlay afduubka loogu haysto Gaza iyo halista ay la haysteyaasha ugu jiraan in ay ku dhintaan duqaymaha xargaha goostay ee Israel ka waddo dhulka go’doonsan.

Elad Katzir ayaa muuqaalka ka soo muuqday, isaga oo u muuqdo mid ooynaya, mararka qaarkoodna dhalleeceynaya Raysal Wasaaraha Israel, isagoona ku riixay in uu ka masuul yahay afduubka isaga iyo daraasiinta kale ee la haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Marinka Gaza.

Hooyada dhashay ninkan oo lagu magacaabo Hanna Katzir ayaa la sii daayay 24-kii bishii November, iyadoona ka mid noqotay Israeliyiintii lagu sii daayay wareeggii hore ee heshiiskii maxaabiis is weydaarsiga ee Israel iyo Xamaas, halka aabihiina uu ku dhintay weerarkii 7-dii October.

Elad Katzir ayaa si naxariis leh Netanyahu uga codsaday in la sameeyo wareeg cusub oo maxaabiis is dhaafsi ah, si uu dib xorriyaddiisa ugu helo.

“Netanyahu, fariintaydu waa adiga iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wakiilada. Waad iga tagtay.” Ayuu yiri Katzir.

Waxa uu muujiyay inaanu naftiisa wax baqdin ah uga qabin dhanka xoogaga wax iska caabinta Falastiiniyiinta, balse uu halis ugu jiro in uu ku baxo gacanta Ciidamada Israel ee weerarada ka wada Gaza.

“Waxaan ku sigtay inaan dhinto wax ka badan hal mar, waa mucjiso in aan weli noolahay. Waxaan rabaa inaan u sheego qoyskayga inaan aad u jeclahay, aad baana idiinku xiisay.” Ayuu yiri Katzir.

Katzir ayaa xusay in heshiiska maxaabiis is dhaafsiga uu sahli doono in la arko sida uu yiri iyagoo guryahooda dib ugu soo laabanaya in ka badan 130 qof oo ku jira gacanta kooxaha wax iska caabinta.

Xoogaga Falastiiniyiinta ayaa la aamisan yahay in ay Marinka Gaza ku hayaan ku dhawaad 136 qof oo Israeliyiin ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc