Home Wararka Maanta Laamaha amniga iyo sida ay bisha Ramadan ugu diyaargaroobeen sugidda amniga

Laamaha amniga iyo sida ay bisha Ramadan ugu diyaargaroobeen sugidda amniga

by Laacib

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya Dowlad Goboleedyada ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinayo amniga magaalooyinka waaweyn ee dalka, inta lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadan.

Talisyada Ciidamada ayaa u diyaargaroobay, sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen amniga, ugana hortaggi lahaayeen weerarada kooxaha hubeysan.

Meelaha sida weyn looga diyaargaroobay waxaa ka mid ah Magaalada Muqdisho, oo muddo dheer u nugleyd weerarada maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada Booliska iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugidda ayaa loo diyaariyay, sidii ay u fashilin lahaayeen weerarada abaabulan ee maleeshiyada Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamadu ay kordhin doonaan baaritaanada ay ka sameynayaan kontoroolada laga soo galo magaalada iyo barraha amniga lagu hubiyo ee ay ku leeyihiin gudaha caasimadda.

Ila wareedyada ayaa sidoo kale sheegaya in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo kan Gobolka Banaadir ay xoojin doonaan ciidamada ku sugan barraha amniga.

Taliska ayaa filayaa in uu kordhiyo hawlgalada gaarka ah ee laga sameynayo xaafadaha magaalada qaybtood, oo lagu bartilmaameedsan doono xubnaha la soo farmuuqo ee ka tirsan amaba lala xiriiriyo Shabaabka hubeysan, taasoo ay laamaha ammaanka u arkaan mid qayb ka noqon karta dadaalada hoos loogu dhigayo dhagaraha ay maleygayaan.

Ciidamada oo heegan buuxa la geliyay ayaa si ka duwan billaha kale ee sanadka uga hawlgeli doona magaalada, iyadoona masuuliyiinta ay kormeerkooda joogteen doonaan.

Laamaha amniga ayaa dareen ka muujinaya Shabaabka, oo looga bartay in bisha Ramadan ay weeraradooda kordhiyaan

Shabaabka ayaa caan ku ah in bisha Soon-qaad ay laba laabaan dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo weerarada tooska ah ee ay ka gaysanayaan magaalooyinka iyo degmooyinka dhaca Gobolada Koonfurta & Bartamaha iyo fariisimaha ciidamada.

Hay’adaha ammaanka ayaa lagu ammaanay in bishii Ramadan ee sanadkii hore ay xakameeyeen weerarada Al Shabaab, inkastoo mararka qaarkood ay weeraro gaysanayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc