Home Wararka Maanta Laamaha amniga oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Pearl Beach

Laamaha amniga oo faah faahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Pearl Beach

by Laacib

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah ka soo saaray weerarka dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ay xalay ku qaadeen Hotel Pearl Beach ee Magaalada Muqdisho.

Warka ayaa lagu sheegay in 7 nin oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay weerar naf la caarinimo ah ku qaadeen hotelkan, oo ku yaala Xeebta Liido ee Degmada Cabdicasiis.

“Hotelka ay naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah shaah ku cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ula dagaalamayaan.

Ciidamada ammaanka ayaa isla markiiba u hawlgalay soo afjarista weerarka Khawaarijta, iyaga oo ku guuleystay in ay soo geba-gabeeyaan weerarkaas abaare 02:00AM.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay in weerarka ay ku dhinteen 6 qof oo rayid ah, 10 kalena ay ku dhaawacantay, dhanka ciidamada amnigana ay kaga geeriyoodeen 3 askari, intii ay ku guda jireen soo samata-bixinta dadkii shacabka ahaa ee hotelkaasi ku go’doonsanaa.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay goobtaasi ka soo daad-gureeyeen 84 qof, oo isugu jira carruur, dumar iyo dad da’ ah.

“Alle mahadii, ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan carruur yaryar, dumar iyo dad waayeel ah.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Booliska.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii saddexaad ee ay Shabaabku ka gaysteen hotel ku yaala Magaalada Muqdisho, tan iyo markii dib xafiiska loogu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

19-kii bishii August ayay ahayd, markii dabley ka tirsan maleeshiyada Shabaabka ay weerareen Hotel Xayaat oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska KM4, halka 27-kii bishii November ay weerar aad loo soo abaabulay ku galeen Hotel Villa Rays oo ku yaala xeendaabka Villa Somalia, oo amnigeedu si weyn loo ilaaliyo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc