Home Wararka Maanta Laanta Socdaalka oo laba neef oo geela ugu deeqday Ciidanka Xasillinta Muqdisho

Laanta Socdaalka oo laba neef oo geela ugu deeqday Ciidanka Xasillinta Muqdisho

by Laacib

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda ayaa maanta laba neef oo geela ugu deeqday Ciidanka Xasillinta Muqdisho, si ay taageero ugu noqoto ciidamada sugayo ammaanka caasimadda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa ayaa deeqdaasi ka guddoomay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda, Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdul).

Wasiiru Dowlaha ayaa Saraakiisha Laanta Socdaalka uga mahadceliyay is garabtaagooda Ciidanka Xasillinta Muqdisho.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay in kol hore Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda la faray in min laba neef oo geela ku taageeraan ciidamada.

Ciidanka Ciidanka Xasillinta ayaa bishii April lagu wareejiyay howlaha sugidda ee amniga magaalada, iyagoona ka kooban ciidamo isku dhaf ah, oo isugu jira Ciidamada Booliska, Nabad Sugidda Gobolka Banaadir iyo Polizia Militare.

Ciidamadan ayuu hawlgalkooda la magac-baxay (Hawlgalka Ciiltire), oo isugu jira saddex weji oo lagu la dagaalamayo Amniyaadka Al Shabaab, kooxaha burcadda iyo dadka ka ganacsada muqaadaraadka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc