Home Wararka Maanta Laba qarax oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Laba qarax oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

by Laacib

Faah faahino ayaa ka soo baxaya laba qarax oo saaka ka dhacay duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay afaafka hore ee magaaladaasi.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay waddada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, halka qaraxa labaadna uu ka dhacay meel ku dhow bar kontorool oo ciidamadu ku leeyihiin bannaanka hore ee magaaladaasi.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska oo lagu magacaabo Gallad Hoosagale ayaa la sheegay in uu isku dhigay qaraxii koowaad, ka dib markii gaari boolis oo darawal uu ka ahaa uu ka horgeeyay gaarigii miineysnaa. Gallad oo dhaawac uu soo gaaray ayaa lagu dabiibaya goob caafimaad oo ku taala magaaladaasi.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sidoo kale la sheegay inay rasaas oodda kaga qaadeen gaarigii labaad, ka hor intii aanu gaarin goobtii uu bartilmaameedku ahaa.

Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Galmudug, Axmed Daahir Cumar ayaa sheegay in ciidamadu ka hortaggeen qaraxyo la doonayay in gudaha loo soo geliyo Dhuusamareeb.

“Laba qarax oo ay argagixisado doonayeen inay soo geliyaan gudaha Caasimadda Dhuusamarreeb ayaa lagu fashiliyay bannaanka magaalada.” Ayuu Agaasimuhu ku sheegay bartiisa Facebook.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamadu ay hayeen xogta gaadiidkaasi, oo magaalada ka soo hujuumay dhanka koonfureed, tanina ay keentay in ciidamadu u diyaargaroobaan weerarkaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa bogaadiyay ciidamada fashiliyay qaraxyadaasi, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaraddaasi.

Dhuusamareeb waxaa muddo laba bilood ku dhow ku sugan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo halkaasi ka sameystay goob laga dardargeliyo hawlgalka ka socda Gobolada Dhexe.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada qarax ee looga hortegay duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Qaraxyadan ayaa noqonaya kuwoodii ugu horreyay oo Shabaabku ka gaystaan Dhuusamareeb, tan iyo intii uu soo degay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay, sida ay uga go’an tahay in kooxaha argagixisada laga saaro dhulka ay baaqiga uga yihiin deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle.

Shabaabka oo dareensan in gulufkan militari uu caqabad ku yahay joogitaankoodii bartamaha dalka ayaa isku dayaya, sidii ay u fashilin lahaayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc