Home Wararka Maanta Laftagareen oo dardargelinaya wejiga 2aad ee gulufka lagu wiiqayo Shabaab (SAWIRRO)

Laftagareen oo dardargelinaya wejiga 2aad ee gulufka lagu wiiqayo Shabaab (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo leh abaabulka iyo dardargelinta wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, laguna wado in laga sameeyo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa bilaabay kulamo uu ku abaabulayo u diyaargarowga gulufkaasi.

Madaxweynaha oo ku sugan Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa gelinkii dambe ee Axaddii la kulmay Saraakiisha Guutada 9aad, Qaybta 60aaad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay u diyaargarowga wejiga 2aad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, oo dhawaan lagu wado in ay ciidamadu ka bilaabaan gobolkaasi.

Madaxweynaha ayaa Saraakiisha u sheegay in dhawaan la qaadi doono hawlgal ay tahay in ciidamadu ay ku xoreeyaan Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure, oo Shabaabku kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Saraakiisha la wadaagay qorshaha socda, oo qayb ka ah in la isugu furo waddooyinka deegaanada ay go’doomiyeen kooxaha argagixisada.

Madaxweyne Laftagareen oo ka shidaal qaadanaya Villa Somalia ayaa ka gadaal ka riixaya gulufka cusub, ee toddobaadyada soo socda lagu wado in uu ka bilowdo deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Laftagareen oo isla Axaddii Magaalada Xudur kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Rabdhuure iyo Tiyeeglow ayaa weydiistay in ay ka qayb qaataan hawlgalka la abaabulayo, ee ay tahay in lagu xoreeyo dhulka ay kooxaha argagixisada maamulaan.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya ciidamo ka socdo dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa la filayaa in ay hawlgal wadajir ah ka sameeyaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Wejigii hore ee hawlgalka ayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay ku qabteen, inta badan dhulkii ay Shabaabku ka haysteen Hirshabelle iyo Galmudug.

Yoolka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ah in muddada ka harsan sanadkan lagu soo afjaro Shabaabka hubeysan, ka dib muddo lix iyo toban ah oo ay dalka ka dagaalamayeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc