Home Wararka Maanta Laftagareen oo qaabilay Wakiilka cusub Qaramada Midoobey ee dalka (SAWIRRO)

Laftagareen oo qaabilay Wakiilka cusub Qaramada Midoobey ee dalka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi ay hoggaamineyso Wakiilka cusub Qaramada Midoobey ee dalka, Catriona Laing oo maanta gaaray magaaladaasi.

Madaxweynaha oo kulanka ay ku wehliyeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa wafdigaasi kala hadlay arrimaha amniga, wejiga 2aad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, qorshaha lagu xasillinayo deegaanada laga saaro maleeshiyadaasi, gargaarka bani’aadanimo iyo xoojinta mashaariicda horumarineed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa geba-gabadii kulankaasi shir jaraa’id ka sheegay in wafdiga Qaramada Midoobey ay si guud uga wada hadleen xaaladda dalka iyo sidii loo wada shaqayn lahaa.

Catriona Laing ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Golihiisa Wasiirada uga mahadcelisay soo dhaweyntoodan diiran, waxayna sheegtay in safarkeedu uu ku qotomo is barasho iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha shaqo ee ay Qaramada Midoobey ka waddo deegaanada Koonfur Galbeed.

Catriona Laing ayaa Khamiistii bilowday booqashadeedii ugu horreysay ee ay ku mareyso Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc