Home Wararka Maanta Laftagareen oo sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn ku aaddan Golihiisa Wasiirada

Laftagareen oo sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn ku aaddan Golihiisa Wasiirada

by Laacib

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta sameeyay magacaabis iyo isku shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa wareegto ku soo magacaabay 11 Wasiir, 3 Wasiir Kuxigeen iyo 1 Wasiiru Dowle, iyadoona magacaabistan ay saameysay qaar ka mid ah Xubnaha Golihiisa Wasiirada.

Xubnaha ay magacaabistani saameysay, isla-markaana xilkooda ku waayay ayaa waxaa ugu muhiimsan Wasiirkii Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

Ibraahim Aadan Cali (Najax), Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda & Garsoorka
Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Amniga
Nasra Aweys Sheekh Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka
Mustaf Axmed Iidow, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare
Isaaq Cali Subag, Wasiirka Wasaaradda Beeraha & Waraabka

Cali Sheekh Cabdullaahi (Cali Afgooye), Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda
Maxamed Isaaq Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Macdanta & Batroolka
Saciid Axmed Cali Cumar, Wasiirka Wasaaradda Dastuurka
Cabdifitaax Maxamed Cali (Abaroone), Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga & Khayraadka Badda
Eng. Diini Cabdinuur Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Bay’adda & Is bedelka Cimilada
Nuur Siidow Baabaa, Wasiirka Wasaaradda Diinta & Awqaafta

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed
Maxamed Xuseen Xasan Cadaawe, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka
Maxamed Qays Xasan Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dhallinyarada & Ciyaaraha
Cumar Daa’uud Khaliif, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Macdanta & Batroolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc