Home Wararka Caalamka Liishaanka Xuuthiyiinta oo ku sii jeeda dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Mareykanka

Liishaanka Xuuthiyiinta oo ku sii jeeda dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Mareykanka

by Laacib

Xuuthiyiinta Yemen ayaa si dhiiranaan leh u sheegay in ay beegsan doonaan dalalka qaybta ka ah isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee bilaabay inay ka hawlgalaan Badda Cas.

Madaxa Guddiga Sare ee Kacaanka Xuuthiyiinta Yemen, Mohammed Ali Al-Houthi ayaa ka dhawaajiyay in ay bartilmaameedsan doonaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah isbahaysigan, oo loo sameeyay in ay ka hortaggaan weerarada Xuuthiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga ee ku wajahan Dekedaha Israel.

“Dal kasta oo ku lug leh isbahaysiga Mareykanka ee Badda Cas, wuxuu lumin doonnaa ammaankiisa badda, waana la beegsan doonnaa.” Ayuu yiri Mohammed Ali Al-Houthi oo BBC la hadlay.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa horey ugu hanjabay inay weerari doonaan maraakiibta dagaalka Mareykanka ee ku sugan Badda Cas, haddana waxay sheegayaan in ay garaaci doonaan maraakiibta kale ee dalalka xulafada.

Warka ka soo yeeray Mohammed Ali Al-Houthi ayaa imaanaya, xilli 12 dowladood oo Mareykanka uu hoggaaminayo ay si wadajir ah uga diggeen Xuuthiyiinta in ay la kulmi doonaan cawaaqib aanay sheegin, haddii aysan si degdeg ah u joojin weeraradooda maraakiibta ganacsiga caalamiga ah.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi oo mar sii horreysay hadlayna waxa uu sheegay inaanay iyagu khuseynin hanjabaadaha ka soo yeeraya isbahaysiga uu Mareykanku gadaal ka riixayo.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa ku goodiyay inaysan ka daali doonin weerarada maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda.

Mahdi Al-Mashat, Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda Xuuthiyiinta ayaa dhawaan sheegay in mowqifkoodu uu cad yahay, kaas ah in maraakiibta u socda Israel aanay ka gudbin marinka Bab al-Mandeb ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta Yemen ayay shuruudoodu tahay in Israel ay joojiso duulaankeeda Gaza, ayna fasaxdo gargaarka sida weyn loogu baahan yahay, si ay hawlgaladooda militari ee Badda Cas u soo afjaraan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc