Home Dhacdooyin Lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo qarax lagu dilay

Lix ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo qarax lagu dilay

by Laacib

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta uu qarax qabsaday gaari ay la socdeen shaqaale ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom, oo marayay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaaladaasi.

Shaqaalahan oo ka ambabaxay Xarunta Shirkadda Hormuud ee Garasbaaley ayaa la weeraray, xilli ay ku sii jeedeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya nooca uu qaraxu ahaa, balse warka xoogiisa ayaa sheegaya in qaraxu uu ahaa miino lagu sii diyaariyay waddada, isla-markaana ay ahayd nooca gacanta laga hago.

Qaraxa oo haleelay gaarigaasi ayaa sababay in uu rogmado, isla-markaana uu dab xoogan ka kaco.

Wararka ayaa sheegaya in Shaqaalaha Gurmadka Degdegga iyo ciidamada amniga ay ka daaheen inay si dhakhsi ah goobta u gaaraan, iyadoona ay natiijadeedu noqotay inaysan dadkaasi helin gurmadkii ay u baahnaayeen, goobtana ay ku wada dhintaan, isla-markaana ay xitaa adkaatay in meydadka qaarkood la aqoonsado.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, waxaase si dhow loola xiriirinaya maleeshiyada Al Shabaab, oo iyagu horey u gaystay qaraxyo ceynkani oo kale ah.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa jiray qaraxyo Magaalada Muqdisho iyo meelo ka baxsanba lagu la eeganayay Shaqaalaha Hormuud Telecom iyo xarumahoodaba.

Qaraxyadan ayaa gaystay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed intaba leh, mana jirto cid illaa iyo hadda, inta la ogyahay loo maxkamadeeyay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc