Home Wararka Maanta Luul Cabdicasiis oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

Luul Cabdicasiis oo lagu aasay Magaalada Muqdisho

by Laacib

Luul Cabdicasiis Maxamed oo ahayd haweeneydii la sheegay in saygeeda uu nolosha ku gubay ayaa maanta lagu aasay duleedka Magaalada Muqdisho.

Marxuumadda oo muddo bil iyo dheeraad ah uu meydkeeda ku jiray qaboojiyaha ayaa ka dambeysay in la aaso, ka dib markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay Arbacadii xukun dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysnaa in uu dilay xaaskiisii.

Marxuumadda ayaa 2-dii bishii February u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray falka lagu gubay, oo 26-kii bishii January uu saygeeda ugu gaystay hoygooda oo ku yiilay Waaxda Labaad ee Degmada Dharkiinley.

Meydkeeda ayaa gaari ambulance ah looga soo qaaday qaybta meydka ee Isbitaalka Erdogan (Ex Digfeer) oo uu yiilay, tan iyo markii ay geeriyootay.

Marxuumadda ayaa lagu aasay deegaanka Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoona aaskeeda ay ka soo qaybgaleen dadweyne fara-badan.

Luul Cabdicasiis oo ahayd hooyo uur leh ayaa ifka uga tagtay lix carruur oo agoon ah, oo ay u dhashay saygeedii hore ee geeriyooday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc